| | 3 views

Barcelona,Atletico Madrid vs Real Madrid oo Xili ciyaareedkaan 2013-2014 isku heysta la ligaha Spain

BARMUUDO.COM: CIYAARAHA- Waxaa Lagu Jiraa Lugtii 2 ee Horyaalka La ligaha Spain 2013-2014 waxaan horyaalku Xili ciyaareedkaan isku  badalay 3 Xagal ka dib Markii 2 koox ee horew ugu loolami Jiray Hanashada Horyaalka ay ku soo biirtay Kooxda Atletico Madrid oo Dab yar aan shideyn Xili ciyaareedkaan.

3 Naadi ee kala ah Barcelona,Atletico Madrid iyo Real Madrid oo ku Dagaalamaya Hanashada Xili ciyaareedkaan 2013-2014 Laligaha  Spain ayaan kala sareyn 1 dhibic wax ka badan waxaana Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ay wadajir ugu Hogaaminayaan Horyaalka Spain min 54 dhibcood,halak Real Madrid oo 1 dhibic looga hayo Hogaanka ay Markaasi leedahay 53 dhibcood.

Maxamed Jixaas Xasan oo mudo ka badan 12 sano Taageere u ahaa Kooxda Real Madrid ayaa sheegay in Xili Ciyareedkaan La ligaha Spain 2013-2014 uu ak duwan yahay kuwii ak horeeyay isla amrkaana Horyaalku isku badalay Hab 3 Xagal ah.

‘Sanadihii  ugu Dambeeyay Horyaalka la ligaha Spain cid aan Barcelona vs Real Madrid aheyn kuma Dagaalameyn Balse Hada waxa ku soo biirtay Kooxda Atletico Madrid Taasoo waji cusub Galisay Horyaalka ‘ayuu yiri Jixaas oo intaasi Raaciyay In Kooxda uu Taageero ee Real Madrid ay iyaduna qeyb ka tahay Kooxaha Dagaalka weyn ugu Jira Hanashada Koobka walow uu qiray in Kan Championka ay uga Cad cad yihiin Kan La ligaha.

Maxamed Jixaas Xasan waxa uu sheegay in Real Madrid ay ka goan tahay in Markii 10 ay gacanta ku dhigto Koobka Champions Liguae isla markaana uu kula guuleysto Madaalaha Kubada Cagta Caalamka dhawaana ku guuleytay Xidiga Aduunka Cristano Ronaldo oo ah Xidig hibo u leh Ciyaarta Kubada Cagta

la arki doonee 3 Xagalka La ligaha Spain ee Xili ciyaareedkaan 2013-2014 alku uu sal dhigto iyo cida ku guuleysata

Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed  Cabdulle’ Uurdoox

Short URL: http://barmuudo.com/?p=22

Posted by on Jan 30 2014. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented