| | 4 views

Qaar ka mid ah dalalka Bariga Africa oo ka baqaya Weeraro Argagixiso

BARMUUDO.COM: Wargeyska Fanancial Times ayaa todobaadkan lagu daabacay in dowladaha Kenya iyo Ethiopia ay ka cabsi qabaan in weerar Argagixiso lagu qaado xarumaha muhiimka ee Dowladahan.

Diblumaasiyiin iyo Qabiiro dhanka amaanka ah ayaa ka walaacsan in Qaraxyo is xig-xiga laga yaabo in in la beegsado Gawaarida Dalxiisayaasha,meelaha lagu Shaaho ee ku yaalo agagaarka Garoonka diyaaradaha Nairobi.

Weeraradaan la shaaciyay ayaa waxay ku soo aadayaan iyadoo wax ka yar Lix Bilood Al-shabaab weerar ku qaadeen Xarunta Ganacsiga Kenya,halkaasi ay ku dileen in ka badan 70,halka tiro intaasi ka badan lagu dhaawacay.

“Waxa aan sameyneyno waxay tahay xaqiijinta amaanka,waxaa socda Baaritaan dalka oo idil ah,” Ayay Tiri Amina Mahamed Wasiirka arimaha dibada Soomaliya.

Arinta Walaaca dhanka amaanka ah ee Soo wajahaday wadamada ku yaalo Bariga Africa sida Kenya iyo Ethiopia ayaa imaanaya iyadoo Sida Kenya iyo Uganda Ethiopia ugu biirisay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Berhane Gebre-Christos,oo u hadlay Dowlada Ethiopia ayaa sheegay in Al-shabaab yihiin Cabsida ugu weyn ee ka Jirta dalka Ethiopia,islamarkaana Ciidamada amaanka Difaaca heegan kaga Jiraan weeraro kaga yimaada.

Diblumaasiyiin Reer Galbeed ah, ayaa ka digay Qatarta weeraradaan Bariga Africa gaar ahaan dalka Kenya oo ah dal Ganacsigiisa aad u sareeyo dalxiisana dhankiisa ku badan yahay.

Inkastoo Al-shabaab sanadihii ugu danbeeyay ay luminayeen dhulal muhiim ah ayaa hadana Saraakiishooda waxay dejinayeen Taatikooyin,iyagoona howlgalkooda u wereejiyay dibada,waxaana Dowlada Kenya soo gelitaankeeda Somalia ay ka dhexeshahay weeraro Al-shabaab Aargudasho ku tilmaameen.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=14

Posted by on Jan 30 2014. Filed under Arimaha Bulshada, Ciyaaraha, News in English, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented