| | 0 views

Dabley hubeysan oo caawa askar ka tirsan ciidamada dowlada ku dilay xaafada Suuqa xoolaha degmada Heliwaa

Labo askari oo ka tirsan ciidamada milateriga dowlada Somalia ayaa caawa lagu dilay xaafada Suuqa xoolaha oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen askartan oo xiligaas ku jirtay howlo ay ku sugayeen amaanka degaankaas, waxayna ku fureen rasaas.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in kooxaha geystay dilka askarta ay goobta ka baxsadeen, iyadoo sida caadada ah ay goobtaas soo gaareen ciidamada dowlada oo halkaas ka wada howlgalo lagu baadi goobayo raggii askarta laayey.

Dilka labadan askari ayaa shan qof ka dhigaya dad siyaabo kala duwan 24-kii saac ee ugu dambeeyey loogu dilay magaalada Muqdisho, waxaana dadka la dilay ku jira haweeney talaal waday, haweeney kale oo shaah iibineysay iyo mid 3aad oo iyada wiilkeeda toorey la iskula dilay.

W/Q A/kani Sh. Hassan Mohamed (Anteeno)

Short URL: http://barmuudo.com/?p=506

Posted by on Feb 26 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented