| | 3 views

Kooxda Olympiakos oo Man Utd ka yaabsatay & Borussia Dortmund oo hawada ka qarisay naadiga Zenit St.Petersburg (Faaqidaada Champions League

 

 
 
 
  

 

 


Kooxda Olympiakos oo Man Utd ka yaabsatay & Borussia Dortmund oo hawada ka qarisay naadiga Zenit St.Petersburg (Faaqidaada Champions League)

*** Kooxda kubada cagta ee Red Devils Manchester United oo kulan ka tirsan koobka horyaalada Yurub ee UEFA Champions League aaday garoonka naadiga Olympiakos ee Giorgos-Karaiskakis Stadium ayaa waxaa lagu soo qaarajiyay 2-0.

Manchester United oo aanan u adkeen sidii hore ayaa kulankaan aad looga awood badnaa waxaana labada gool ka kala dhaliyay laacibiinta kala ah Alejandro Dominguez ciyaarta qeeybteedii koowaad (daqiiqadii 38-aad) iyo Joel Campbell oo goolka labaad dhaliyay ciyaarta qeeybteedii labaad (daqiiqadii 55-aad).

Kulankaan oo ahaa is araga wajiga koowaad ee loogu soo baxayo sideeda kooxood ee koobka Champions League ayaa waxaa kooxda Manchester United u wada saftay laacibiinteeda qaaliga ah balse Man Utd ayaa noqotay mid weli isku dhex yaacsan oo laga yaaban yahay.

Kooxda Manchester United oo horay looga soo reebay koobka dalka Ingriiska ee FA-cup ayaa hadane waxaa horyaalka Ingiriiska 15-dhibcood ka koreeyso naadiga Fc Chelsea halka iminka guuldaro kale oo xanuun badan ay kala kulmeen naadiga Olympiakos oo ka dhisan horyaalka dalka Giriiga.

XIDDIGAHA OLYMPIAKOS VS MANCHESTER UNITED AYAA QAABKAAN ISKU FARA SAARAY :

Olympiakos : Goolhaye Roberto, Manolas, Salino, Marcano, Holebas – Maniatis, Ndinga – Campbell (67./Fuster), Dominguez (76./Machado), Perez (86./Valdez) – Olaitan.

Manchester United : Goolhaye De Gea – Smalling, Ferdinand, Vidic, Evra – Cleverley (61./Kagawa), Carrick – Valencia (60./Welbeck), Rooney, Young – Van Persie.

*** Dhanka kale kooxda Borussia Dortmund oo aaday garoonka Petrowksi-Stadium ee naadiga Zenit St.Petersburg ee dalka Ruushka ayaa waxa ay ku soo badiyeen 2-4. Goolasha kooxda Borussia Dortmund ku badisay 2 ka mid ah waxaa u saxiixay weeraryahanka Qaranka Poland Robert Lewandowski (daqiiqadihii 61-aad iyo 71-aad). labada gool ee kale waxaa kala dhaliyay xiddiga Qaranka Armenia Henrich Mchitarjan (daqiiqadii 4-aad) iyo laacibka cusub ee Qaranka Germany Marco Reus (daqiiqadii 5-aad).

XIDDIGAHA ZENIT ST. PETERSBURG VS BORUSSIA DORTMUND AYAA QAABKAAN ISKU ARKAY :

St. Petersburg : Goolhaye Lodygin – Anjukow (84./Smolnikow), Luis, Lombaerts, Criscito – Witsel, Faisulin (84./Kerschakow) – Hulk, Schatow, Arschawin (15./Timoschtschuk) – Rondon .

Dortmund : Goolhaye Weidenfeller – Piszczek, Friedrich, Sokratis, Schmelzer – Kehl, Sahin – Reus (85./Hofmann), Mchitarjan (70./Aubameyang), Großkreutz (91./Durm) – Lewandowski .

*** Kulamo kale oo aad u adag kana tirsan koobka horyaalada Yurub ee UEFA Champions League ayaa caawa lagu wadaa inay dhex maraan kooxaha kala ah Galatasaray oo wadata weeraryahankii hore ee kooxda Fc Chelsea Vs Chelsea qudheeda iyo Fc Schalke vs Real Madrid .

 



 
 
 
 
 
 
 
 
 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=502

Posted by on Feb 26 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented