| | 2 views

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo maanta lagu dhawaaqay

safe_imageWareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii looga qaaday Tarsan waxaana lagu Magacaabay Jen. Muungaab , Wareegta ayaana si rasmi ah goordhaw loo shaaciyay.

Digreetada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa u qorneed sida tan.

Waxaa loo magacaabay Xasan Maxamed Xuseen Muungaab guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho.

Sidoo kale Digreetadan ayaa lagu yiri, waxaa xilkii gudoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho laga qaaday Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Waxaa waajib ku ah hay,adaha kala ah ciidanka booliska, qeybta gobolka benaadir, iyo Hay’adda Nabadsugidda Qeybta Gobolka benaadir ay si toos ah ula shaqeeyaan guddoomiyaha gobolka Benaadir.,

Waxa uu xeerkan Madaxweynaha dhaqan galiyaa islamarkaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya saxiixo waxaana lagu soo daabici doonaa faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

C/wali Xasan ( Tarabatooni)  Muqdisho

Short URL: http://barmuudo.com/?p=523

Posted by on Feb 27 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented