| | 1 views

Wasaarada Arrimaha Gudaha oo shaaca ka qaaday in lala wareegayo gurigii lagu hela hub iyo qarax

Goodax_2014Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa ka warbixiyay qorshayaal cusub oo lagu sugayo ammaanka, isagoo xusay in maalmaha soo socda ay qaadi doonaan tallaabooyin lagu adkeynayo amniga.

Mr Goodax ayaa amaanay wada shaqeynta Gudoomiyaha degmooyinka, isagoo xusay inay xoojin doonaan kaalintooda xaga gacan amni, waxaana uu xusay in shacabka Muqdisho ay arki doonaan horumaro laga gaaro ammaanka.

“Tallaabooyinka ugu horeeya ee maalmaha soo socda la qaadi dooo waxaa ka mid ah in baaritaan adag lagu sameeyo guryaha laga shakisan yahay ee alshabaab ku farsameeyaan qaraxyada, gurigii lagu helana hub iyo walxo qarxa waa lala wareegayaa”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay socdaan sharci gaar ah oo ka dhan ah dadka soo daba gala kooxaha lagu tuhmo inay ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo uu xusay in ay u caal la’yihiin, marka la xero qof tuhun soo galay inay durba ka daba tagaan oo ay sii deyntooda fududeeyaan.

Inkastoo Xukuumada ay ku cel celisay in tallaabooyin lagu xoojinayo xaga amniga la qaadayo, hadana hadaladaas ayaa ah kuwo soo noq noqday oo aan afka mooyee ficilkooda daba socon, waxaana magaalada maalmihii u dambeeyay ka dhacay qaraxyo iyo weeraro.

Al-Shabaab ayaa cadaadis xoog leh soo saartay magaalada Muqdisho, tan iyo intii dowladda ku dhawaaqday inay duulaan ku qaadeyso deegaanada ay ka taliyaan, iyadoo taa bedelkeed ay keentay in weeraro barqo cad ka fuliso magaalada Muqdisho gudaheed, waxaana u dambeeyay weerarkii jimcihii la soo dhaafay ay ku qaaday Madaxtooyada.

C/wali Xasan ( Tarabatooni ) Muqdisho

Short URL: http://barmuudo.com/?p=537

Posted by on Feb 28 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented