| | 1 views

Dowladda Imaaraadka Carab oo Dalkeeda u Qaadey Bukaan Soomaaliyeed oo Dalka Wax looga Qaban Waayey + Sawirro

Maanta oo ay Taariikdu tahay 03/03/2014 waxaa magaalada Muqdisho laga Dhoofiyey mid ka mid ah bukaanada Soomaaliyeed oo ku jirey Xaalad Koomo ama Miyir la,aan ah ka dib markii ay xabad kaga dhacdey madaxa ,waxaana loo qaadey Dalka Imaaraadka Carabta .

Daweynta iyo qaadista bukaankan ayaa waxaa dhabarka u ritay dowladda Imaaraadka Carabta ka dib markii ay Codsi ka heshey Dowladda Federaalka Soomaaliya si bukaankan Xaaladda adag ku jira loogu soo daaweeyo dalkaasi.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa diyaarad qaas ah oo ah kuwa deg dega ah (Emergency) oo ay la socdeen dhaqaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad u soo dirtay bukaankaas,iyadoo inta aan Diyaarada la saarin bukaanka muddo laba saacdood ay dhaqaatiirta ku rakibayeen qalab caafimaad oo suurta geliya in uu ku gaaro dalka Imaaraadka Carabta.

Bukaanka oo uu hore u sii raacay walaakiis Shuceyb Cumar Xuseen ayaa Shir Jaraa’id oo uu ku qabtey garoonka diyaaradaha ayaa u mahadceliyey intii ka gacan siisey walaalkiis in loo qaado dalka Imaaraadka Carabta ,waxaana uu si gaar ah ugu mahadceliyey dowlada Imaaradka iyo dowladda Federaalka, wuxuuna Ilaah uga Baryey Walaalkiis in Caafimaad Siiyo maadaama uu ku jiro Xaalad adag.

Dowladda Imaaraadka Carabta tan markii Soomaaliya ay ka dhaceen dagaalada sokeeye waxay la garab taagneyd taageero dhinac waliba leh , waxayna Soomaaliya ka dhistey Isbitaalo iyo xarumo caafimaad oo maalin waliba lagu daaweeyo boqolaal Soomaali ah oo isugu jira caruur, haween iyo dad waaweyn ,waxayna qaadista Bukaankaan ku soo beegantey Xili dalka Imaaraadka Carabta uu ku suganyahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

8 9 13 14 16 22 33 42 61 71 103 111 121 131 151 171

Short URL: http://barmuudo.com/?p=605

Posted by on Mar 3 2014. Filed under Gargaarka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented