| | 26 views

Maamulka Degmada Kaxda oo Dowlada ka codsaday iney raali gelin ka bixiyaan Hadal kasoo yeeray Mamulka Gobolka Benadir

kax Qaar ka mida odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan degmada kaxda, ee uu degmo nimo u aqonsday madaxweynahii Dowalddii KMG Sheekh shariif, ayaa madaxda sare ee Dowladda waxaa ay ka dalbadeen in jawaab ka bixiyaan go`aanka uu Gudoomiyaha gobolka Banaadir uga eryay shirka gudoomiyayaasha gobolka gudoomiyaha degmadaasi.

C/wali yusuf cumar oo ah gudoomiyaha degmada lagu muransan yahay ka mid ahanshaheeda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in madaxda dowladda looga  baahan yahay in ay talaabo ka qaataan go`aanka uu ku dhaqaaqay Muungaab.

Waxaa uu intaasi ku daraya in degmada lagu magacaabay Wareegto Madaxweyne aysan suura gala ahayn in gudoomiye Gobol uu yiraahdo ma aqoonsadi.

Dhawaan ayaa war soo baxay waxaa uu sheegayay in gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu shirka ay yeelanayeen Gudoomiye yaasha gobolka uu ka saaray kaxada, isaga oo sheegay in isaga dukumiintiga lagu wareejiyay ay ugu qoran tahay 16 degmo.

Waxaa diyaariyay:

Abdikani Sheikh Hassan Mohamed (Anteeno)

Short URL: http://barmuudo.com/?p=1241

Posted by on Mar 27 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented