| | 0 views

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof: Jawaari Oo Gaaray Magaalada Baydhabo Si Uu Udejiyo Xaaladaha Cakiran Ee Hor Taagan Xasan Sheekh

dWar hada naga soo gaaray magaalda Baydhabo ee xarunta Dowlada goboleed Konfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sh. Osmaan Jawaari uu gaaray Magaalada Baydhabo kadib markii dadweynaha magaalada Baydhabo ay kaga hor yimaadeen Kacdoon Shacab ka dhan ah Wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya ee saaka tagay Baydhabo iyo shacabka oo xeray wadooyinka oodhan.
Wararka ayaa sheegaya in Afhayeenka Baarlamaanka oo ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed  la doonayo inuu wax ka qabto xaalada cakiran ee hortaagan Madaxweynaha.

Ilaa iyo hadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku sugan duleedka garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo kadib markii loo diiday inuu gudaha u galo Magaalada Baydhabo.

Xaalada ayaa cakiran ma jirto wax isu socod gaadiid ama goobo ganacsiga oo magaalada oo furan ama dhaqaaqayo.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=1250

Posted by on Mar 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented