| | 0 views

Ciidamada Dowladda Federaalka oo is hortaagay kulan Muqdisho ay ku lahaayeen maamulka Banadir State, xabsigana u dhigay xubno ka tirsan maamulkaasi

Banadir_state

Ciidamada nabad sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta is hor taag ku sameeyay kulan uu Muqdisho ku lahaa maamulka Banadir State, iyagoona goobta uu shirkaasi ka dhacay ciidamadu ka kaxeysteen Afhayeenka iyo Xoghayaha maamulka Banadir State.

Xildhibaan C/llaahi Dheere oo ka tirsan Baarlamaanka Banadir State ayaa Saxaafadda uga warbixiyay falka ay ciidamada nabad sugidda Dowladda kula kaceen, isagoona sheegay in si sharci darro ah lagu xiray laba xubnood oo ka tirsan maamulka Banadir State, isagoo sheegay inay ciidamada kula kaceen tacadiyo ka baxsan bani’aadaminimada.

“Anigu ma garanayo waxa Dowladda Federaalka ay ku diidan tahay in dadka gobolka Banadir degan ay aayahooda ka tashadaan” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Dheere oo sheegay in madaxda sare ee Dowladda ay taageerayaan maamullada kale ee gobolada dalka ka dhisan.

Waxaa kale oo uu sheegay Xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka maamul goboleedka Banadir State in madaxda Dowladda ay hadda ku sugan yihiin Baydhaba, kuwaasi oo dhex dhexaadinaya labada maamul goboleed ee iska soo horjeeda.

Dhinaca kale Xildhibaan C/llaahi Dheere ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay si degdeg ah ku sii daayaan xubnaha maamulkooda isla markaana xorriyadooda dib ugu soo celiyaan, wuxuuna sheegay in maamulkoodu qabanqaabinayo dibadbaxyo ka dhan ah ciidamada nabad sugidda Dowladda oo si sharci darro ah ku xiray laba ka tirsan maamulka Banadir State.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=1255

Posted by on Mar 31 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented