| | 2 views

Qoysaskii ka barakacay dagaalada Sh/hoose oo xaaladooda nololeed laga deyrinayo

barakacayaal1

In ka badan 4-Kun qoys oo isugu jira waayeel, dad danyar ah, caruur iyo haween ayaa ka barakacay degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose oo u dhaxeysa degmada Qoryooley iyo degmada Marka kuwaasi oo xaaladooda nololeed ay tahay mid aad u liidata.

Qoysaskaan oo ka barakacay dagaalada u dhaxeeya ciidamada is garabsanaya iyo dagaalyahanada ururka Al-Shabaab ee ka dhacaya gobolka Sh/hoose ayaa intooda badan soo gaaray degmada Marka oo ka tirsan isla gobolkaasi Sh/hoose, waxaana maalin kasta degmadaasi soo gaaraya ilaa toban gawaarida xamuulka ah oo sida qoysas barakacayaal ah.

Guddoomiyaha degmada Marka ee gobolka Sh/hoose Maxamed Cusmaan Cali oo u waramayay idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa ka hadlay xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin qoysaska ka barakacay dagaalada ka socda degmooyin ka tirsan gobolka Sh/hoose.

“Degmada Marka waxaa ku sugan 3-kun ilaa 4-kun qoys oo ay ku jiraan caruur iyo dad ay ka muuqato duruuf iyo diif aad u daran” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Marka oo sheegay in magaalada Marka ay la ciir ciireyso qoysaska ka soo barakacaya dagaalada u dhaxeeya ciidamada huwanta iyo ururka Al-Shabaab.

Guddoomiye Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in qoysaska ku soo qulqulaya degmadiisa ay dejiyeen qaar ka mid ah iskuulada degmada Marka iyo xarumaha Dowladda, isagoona sheegay in qoysaska soo barakacay ay ku dhaceen cudurro kala duwan, gaar ahaan caruurta yaryar oo uu soo ritay cudurka shubanka.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha degmada Marka ee gobolka Sh/hoose inay u gurmadeen qoysas aad u liita oo soo gaari waayay magaalada Marka, isla markaana beeraha iyo geedaha hoostooda ku jira degaano ku dhow Marka, kuwaasi oo ay ku soo daabuleen gawaari keenta magaalada.

Dhinaca kale Guddoomiye Maxamed Cusmaan ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka, shirkadaha dalka, ganacsatada, hay’adaha samafalka iyo kuwa gargaarka inay qoysaskaasi la soo gaaraan gurmad dhinac walba leh, wuxuuna ka digay inay ka sii dareyso xaalada nololeed ee qoysaska barakacayaasha ah haddii aan si degdeg ah loogu soo gurman.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=1264

Posted by on Mar 31 2014. Filed under Gargaarka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented