| | 1 views

Xildhibaano diiday isbedel ku dhacay gargaarkii Turkiga ee Soomaaliya, dalbadayna in Baarlamaanka la hor keeno heshiisyada lala galay

New folder (2)

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay isbedelka ku yimid gargaarkii Dowladda Turkiga ee wadanka Soomaaliya oo isku bedelay mid ganacsi iyo dhaqaale abuur ah oo ay ku dhaqaaqeen shirkadaha Dowladda Turkiga u qaabilsan dib u dhiska, gargaarka iyo horumarinta dalka Soomaaliya oo burbursanaa muddo 22-sano ah.

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee iyagu sida cad u diiday isbedelka ku yimid howlaha Dowladda Turkiga ay ka wadaan dalka oo tiradoodu ka badan tahay 20-Mudane ayaa ku guuleystay inay Xildhibaanada Baarlamaanka u codeeyaan in Golaha la hor keeno heshiiska Dowladda dhexe ay la gashay Dowladda Turkiga.

Xildhibaan Cusmaan Dhuubow oo ka hadlayay isbedelka ku dhacay gargaarkii Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in goobo dhowr ah oo Turkigu dayac tiray dad looga qaado lacago fara badan, xarumahaas oo isugu jira kuwo caafimaad iyo Iskuulo ay leedahay Dowladda in Turkiga ay lacago farabadan uga qaataan ardayda iyo shacabka Soomaaliyeed oo intooda badan aanay awood lahayn.

“Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha waxaan ka dalbaneynaa inuu Baarlamaanka hor keeno heshiiska Dowladda Turkiga kahor inta aan la saxiixin heshiiska” ayuu yiri Xildhibaan Cusmaan Dhuubow oo sheegay in heshiiska Turkiga lala galay ay ku jiraan qodobo aan la aqbali karin bacdamaa dadka iyo dalka aanay dan ugu jirin.

“Ma aha wax loo dul qaadan karo in Dowladda Turkiga oo shalay dalka ku soo gashay inay u gargaareyso shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan maanta ay boobto hantida dalka ” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cusmaan Dhuubow.

Qoraalka ka dhanka ah howlaha Dowladda Turkiga ay ka waddo Soomaaliya oo qaar ka mid ah Xildhibaanada hor dhigeen Golaha Baarlamaanka kaasi oo ka koobnaa in ka badan 25-qodob waxa ay mudanayaasha isla garteen in Golaha Baarlamaanka ay hor yimaadaan dhammaanba hay’adaha iyo madaxda Dowladda dhexe  si su’aalo looga weydiiyo heshiiskaasi.

“Baarlamaanka ma aqbali doono in Turkiga Dekedda Muqdisho lagu wareejiyo mar haddii toban kun xoogsato Soomaali ah shaqadoodii ku weynayaan” ayuu yiri Xildhibaan Cusmaan Dhuubow oo sheegay in kulan uu arrintaan kala yeeshay Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Saciid Qoorsheel uu u sheegay inuusan waxba kala socon heshiiska Turkiga uu kula wareegayo Dekedda Muqdisho.

Dhildhibaan Dhuubow waxa uu sheegay in Golaha Baarlamaanka uu dib u eegis ku sameynayo guud ahaan heshiiska lala galay Dowladda Turkiga, isagoona sheegay in Golaha Baarlamaanka uu la socdo oo kaliya howlaha Turkiga uu ka wado dalka inay yihiin kuwo loogu gargaarayo shacabka Soomaaliyeed, balse haatan ay u cadahay Baarlamaanka in howlahaasi loo bedelay dhaqaale abuur iyo in laga ganacsado.

Tallaabada ay ku dhaqaaqeen Xildhibaanada oo si weyn looga soo dhoweeyay Golaha Baarlamaanka Federaalka ayaa ku soo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan cabashooyinka ka soo yeeraya shaqaalaha xoogsatada ah iyo kuwa ka xoogsada Dekedda Muqdisho oo ka cabanaya shirkadaha Turkiga ee sida sharci darrada ah u milkiyay howlahoodii.

Qeyla dhaanta Mudanayaasha ee ka dhanka ah Dowladda Turkiga ayaan la ogeyn sida uu u wajahayo Golaha Baarlamaanka, inkasta oo laga cabsi qabo in haddiiba la hor keeno dokumentiga heshiiska ay Dowladdu la gashay Turkiga la laalo qodobo fara badan oo ku jira heshiiskaasi.

Waxaa Diyaariyay:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil@journalist.com

Short URL: http://barmuudo.com/?p=1261

Posted by on Mar 31 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented