| | 35 views

Fadlan caawi hooyo 70-jir ah oo ku xanuunsaneysa Muqdisho + Sawirro

Hooyo Soomaaliyeed oo magaceeda lagu soo gaabiyay Faadumo laguna naaneeso (Qaliif) da’deeduna 70-jir ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku heysta xaalad caafimaad darro oo aad u liidata, iyadoo aanay hooyo Faadumo laheen caruur iyo ehel u gurmada wax ka qabashada caafimaadkeeda.

Hooyo Faadumo ayaa xanuunka ay lail daran tahay waxa uu yahay nabar uga soo baxay naaskeeda bidix kaasi oo gudaha ka soo baxay kaddibna bixiyay buruqda naaska oo noqotay meel la siman xabadkeeda.

Nimco Cumar Axmed oo ah gabadha heysa Hooyo Faadumo Qaliifo ayaa iyadoo u warameysay weriye ka tirsan Radio Maanta waxay ka sheekeysay sida ay ula qeybsatay dhibka heysta hooyadaan da’da ah.

“Runtii ma ahan wax aan ka sheekeyn karo dhibaatada heysata Hooyadaan anigoo intii karaankeyga ah u caawinaya aanan awood u helin karin daaweynteeda, waxaana shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadiisa iyo dhammaanba hay’adaha gargaarka ka codsanayaa inay u fidiyaan gargaar caafimaad” ayay tiri Nimco Cumar iyadoo ilmeyneysa.

Hooyadaan Soomaaliyeed oo hadda lagu hayo guri ku yaala xaafadda Miisaanka Dhuxusha, iyadoo markeedii horena laga keenay degaanka Ceelasha Biyaha kaddib markii ay weysay cid u fidisa gargaar caafimaad.

Weriyeyaal ka socda Radio Maanta oo hooyo Faadumo ku booqday gurigeeda ayaa ka deyriyay xaaladda nololeed oo ay ku sugan tahay, iyagoona ugu baaqay dhammaanba shacabka Soomaaliyeed inay si walaaltinimo iyo bani’aadaminimo ku jirto ugu gurmadaan.

Dhinaca kale Nimco Cumar Axmed ayaa sheegtay in xanuunka haya hooyo Faadumo awgiis xilliyada uu ogaalka ka tegayo mararka qaarna ay ka go’eyso raashinka, waxayna intaasi ku dartay in xiddida ku yaala naaska hootiisa aanay shaqeyneynin marka uu ka tan bato xanuunka.

Fadlan qofkii hooyo Faaduma si bani’aadaminimo ah u caawinaya ha kala xiriiro Telefoonadaan:

+2521615878771 ama +2521615858745

Sadaqada lagu badbaadinayo caafimaad qof aan laheen caruur baahi weynna u qabta gargaar caafimaad oo degdeg ah, qofkii ku tabaruca adduun iyo aakhiro waxay u tahay keydka xasanaadka.
68-529x396 78-529x396 119-529x396 217-529x396 314-529x396 410-529x396 510-529x396

Short URL: http://barmuudo.com/?p=1278

Posted by on Apr 1 2014. Filed under Gargaarka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented