| | 1 views

Dad rayid ah oo xalay lagu xasuuqay degaanka Muuri ee gobolka Sh/hoose

muuri

Waxaa saakay degan xaaladda degaanka Muuri oo katirsan gobolka Sh/hoose, kaddib markii xalay halkaasi lagu xasuuqay dad rayid ah, falkaasi oo ay geysteen rag ku labisan dareyska ciidamada.

Sida ay sheegayaan dadka degaanka ciidamo ka tirsan Milateriga Dowladda Federaalka oo iyagu horay halkaasi u joogay ayaa la sheegayaa inay ku biireen ciidamo kale, iyadoo xalay fiidkii rasaas ku furay dad rayid ah oo ku sugan degaanka Muuri.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in goob masjid ka ag dhow lagu dilay ilaa afar ruux laguna dhaawacay in ka badan saddex ruux, kaddib markii rag ku labisan dareyska ciidamada ay rasaas ku fureen dadkaasi oo qaarkood ka soo baxay masjidka halkaasi ka dhowaa.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka ee ku sugan degaanka Muuri ay isku urursanayaan hab beeleed, kuwaasi oo iyagu ka soo jeeda beesha Habargidir ee degta gobolka Sh/hoose, iyadoo dadka la laayayna ay ka soo jeedaan beesha Biyamaal.

Dhinaca kale xiisadda u dhaxeysa beelaha H/Gidir iyo Biyamaal ayaa laga cabsi qabaa inay cirka isku shareerto, bacdamaa falkaan xalay dhacay aanay jirin dadaallo lagu qaboojinayo xiisadda ka dhalatay.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=1843

Posted by on Apr 26 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented