| | 2 views

Baarlamaanka Soomaaliya oo kalsoonida kala noqonaya qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda C/Weli Sheekh

baarlamaanka1

Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhowaan furmay fadhiyadiisii caadiga ahaa ayaa bilaabay inuu u yeero qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda C/Weli Sheekh Axmed, kuwaasi oo qaarkood ka mid ahaa Wasiiradii xukuumadii kalsoonida kala noqday ee Dr. Saacid.

Wasiirka amniga Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/Kariim Xuseen Guuleed oo Baarlamaanka hor tegay ayaa laga cabsi qabaa inuu noqdo shaqsiga ugu horeeya ee Baarlamaanka uu kalsoonida kala noqdo.

Golaha Baarlamaanka oo Wasiirka hor dhigay inuu ka jawaabo ilaa sodon su’aal oo la xariira howlihiisa, ayaa Wasiirka waxa uu shalay ka jawaabay saddex u dhig hal dhig oo ka mid ah su’aalahaasi.

Wasiirka ayaa laga diiday shalay markii ugu horeysay oo uu Baarlamaanka tegay codsi ku saabsan in Saxaafadda ay dibad joog ka ahaato shirkaan, hase yeeshee cod gacan taag ah oo loo qaaday ayaa mudanayaashu waxay u codeeyeen inay saxaafadda xaadir ku ahaato halka su’aalaha lagu weydiinayo Wasiirka si shacabka Soomaaliyeed loogu soo bandhigo.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale u yeeray Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka, si isna su’aalo looga weydiiyo arrimo la xariira howlihiisa oo maalmahaan noqday kuwo gaabis ah, isla markaana ay jiraan dulduleelo dhowr ah oo la xariira howlaha arrimaha gudaha.

Warar hoose oo aanu heleyno ayaa sheegaya in Baarlamaanka uu cod u qaadayo kalsoonida dhammaanba xubnihii ay u yeereen, taasi oo laga cabsi qabo in Wasiiro fara badan ay xilalkooda ku waayaan.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=1908

Posted by on Apr 28 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented