| | 0 views

Kulan looga hadlayo Amniga oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Kulan looga hadlayay ammaanka oo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, odayaasha dhaqanka iyo ururada haweenka ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda wada hadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa diirada lagu saaray qaabka ugu haboon ee Ururada bulshada rayidka iyo hey’adaha amniga isaga kaashan karaan sugida ammaanka.

Iimaam Maxamed Yuusuf oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Hey’adda CCD sida ay ugu shaqeyso isku xirka iyo isu keenida bulshada, sidii ay kaga tashan lahaayeen aayahooda.

Xildhibaanad Caasho Koos oo ka hadashay kulanka ayaa tilmaamtay in nabada ay tahay furaha nolosha, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in qeybaha kala duwan ee bulshada ay ka wada shaqeeyaan amniga.

“Nabada waa furaha nolosha, hadii aan nabad la helin dalkan ma degayo, waxaa laga rabaa in bulshada qeybaheeda kala duwan, sida haweenka, dhalinyarada iyo odayaasha inay ka shaqeeyaan amniga, hey’adaha amniga gacan ku siiyaan kuwa nabada diidan in la soo qabto oo bulshada dhexdeeda laga soo saaro”ayay tiri Xildhibaanad Caasho Koos.

Waxaa ay sheegtay in la sameeyo wacyi gelin, bulshada qeybaheeda kala duwan ay sameeyaan isu imaatin, waxaana ay xustay in amniga laga soo bilaabo meesha ugu hooseysa, si wax walba u hagaago.

“Hadii waaxda, laanta, tabeelaha, degmada iyo booliska iska war qabaan mar walba waxaa dhismaya nabad, in la isku xirnaado, oo hey’adaha amniga lala socodsiiyo wax walba oo dhibaato abuuri kara”ayay mar kale tiri Xildhibaanad Caasho Koos.

Gudoomiyaha Ururada bulshada Rayidka ahna Madaxweyne kuxigeenka Dallada Ururada bulshada rayidka Muxiyadiin Xasan Afrax ayaa sheegay in Al-Shabaab ay adeegsanayaan caruurta yar yar, waxaana uu cadeeyay in caruurta laga wacyi geliyo.

“Al-Shabaab waxay adeegsanayaan caruurta yar yar oo aan waxba galabsan ayay bambooyinka u soo dhiibayaan, waa in bulshada ka hortagaa, oo caruurtaas la qalday laga soo celiyaa, in la dhaqan celiyo oo wax la baro waaye”ayuu yiri Muxiyadiin Xasan Afrax.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in hey’adaha amniga iyo bulshada xiriir isla sameeyaan, si looga hortago qaraxyada iyo dilalka, bulshada ay farta ku fiiqdo kuwa qal qalka ku haya ee mar walba amni darada ka shaqeynaya.

“Baabuur miino laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraraa goobaha dowladda, taas amni ma ahan, waa in la helo cid soo sheegta, meesha ay baabuurta ku diyaarsan yihiin, meelaha laga soo abaabulayo, in iskaasho aan yeelano, horay iskaashi ayaa u yeelanay Al-Shabaab muqdisho ka saarnay, hadana waxay u baahan tahay inaan cadawga ka hortagno si looga bixiyo magaalada, aan soo celino wada shaqeyntii”ayuu yiri Muxiyadiin Xasan Afrax.

Gudoomiyaha cusub ee degmada C/casiis Cismaan Muxiyadiin Cali oo ahaa Gudoomiyihii u horeeyay ee loo magacaabay Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka qeyb gala kulanka ay soo qaban qaabisay Hey’adda CCD, waxaana uu sheegay in mar walba ay u baahan yihiin wada shaqeynta ururada bulshada rayidka, waxaana uu balan qaaday inuu xiriir toos la sameynayo, isla markaana xafiis uu ka siinayo Ururada bulshada xarunta maamulka degmadiisa.

“Gobolka Banaadir wuxuu u baahan yahay ururada bulshada rayidka, cida la rabo waxyaabaha qarsoon ee amniga dhaawacaya inay wax ka qabato waa iyaga, diyaar waxaa u nahay inaan la shaqeyno qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahana Haweenka oo door fir fircoon ka qaata adkeynta nabadgelyada”ayuu yiri Gudoomiyaha degmada C/casiis Cismaan Muxiyadiin Cali.

Waxaa uu ku amaanay Hey’adda CCD sida ay bulshada ugu dhex jiraan oo ay u tusaan wixii dantooda, waxaana uu ku booriyay in howshooda sii wataan.

“Hey’adda CCD waa ka war hayaa aad bey u shaqeeyeen bulshada ayay ku dhex jiraan, bulshada ayay tusaan wixii dantooda ah, howshiina sii wata, waxaa diyaar u ahay inaan idinla shaqeyno, wixii kulamo iyo wacyi gelin aad bulshada u qabaneysaan diyaar baan idin nahay inaa ku qabataan xarunta degmada C/casiis”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gudoomiyaha degmada C/casiis.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa khudbado ka jeediyay qaar ka mid ah Ururada bulshada, waxaana ka mid ahaa xubnihii ka hadlay Ruqiyo Cali Macalin, Sheekh Axmed Dheere iyo xubno kale oo ka hadlay muhiimada ay leedahay in isku xirka bulshada iyo hey’adaha amniga, si loo sugo ammaanka.

Ugu dambeyn ka qeyb galayaasha kulanka oo loo qeybiyay dhowr qeybood ayaa kaga dooday qaabka ugu haboon ee lagu sugi karo amaanka, iyo sida ururada bulshada rayidka ay kaalin uga qaadan karaan.
DSC03906 DSC03938 DSC03952 DSC03959 DSC03986 DSC03992 DSC04038 DSC04053 DSC04060 DSC04065 DSC04088 DSC04099 DSC04102 DSC04104 DSC04110 DSC04111 DSC04116 DSC04122 DSC04126 DSC04129 DSC04131 DSC04136 DSC04139 DSC04145 DSC04148 DSC04153 DSC04166 DSC04179

Short URL: http://barmuudo.com/?p=1878

Posted by on Apr 28 2014. Filed under Photo News, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented