| | 4 views

Mareykanka oo ku baaqay in la kordhiyo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga

john_Kery

John Kerry oo ah Xog’hayaha arrimaha dibbadda Dalka Maraykanka kuna sugnaa Magaaladda Adis Ababa xilli uu kaga qeyb galaya shir madaxeed ay leeyihiin madaxda Africa ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo Ciidamadda AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Dalka Somalia.

John Kerry oo kulan gaar ah la qaatay R/wasaaraha Ethiopia Heilmaryan, ayaa waxa uu ku dhiiragaliyay in Dowladiisu ay Madaxda Africa horgeyso Codsi ah in la kordhiyo Ciidamadda AMISOM ee jooga Somalia, waxa uuna dhankiisu ka balan qaaday inuu dardar galin doono hamida Helimaryan.

Sidoo kale, John Kerry waxaa uu sheegay in madaxda Africa ee Addis-Ababa ku shiraya uu kala hadlay muhiimadda ay leedahay tayaynta ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay xilligaan shaqo adag ka hayaan gudaha Soomaaliya.

Xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka madaxda uu la kulmay waxaa uu u sheegay in xilligaan ay muhiin tahay in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM oo Soomaaliya xilligaan kula dagaalamaya Al-Shabab.

“Waxa aan danaynayno waa in la xoojiyo qorshaha nabad raadinta Soomaaliya waxaana taas gacan ka geysan kara in ciidamo hor leh Soomaaliya loo daabulo” ayaa laga soo xigtay John Kerry.

Shirka madaxda Africa oo maalintii labaad Addis-Ababa ka socda ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa amaanka qaaradda iyo caqabadaha hor tagaan nabada Africa.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=1911

Posted by on Apr 28 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented