| | 1 views

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Weli Ku Dhagan Labo Wasiir Oo Kamid Ah Xukuumadda Dr C/Wali Sheekh Axmed

baarlamaanka-o2-300x199Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku dhagan labo Wasiir oo kamid ah Xukuumadda Dr C/wali Sheekh Axmed Maxamed, iyadoo maanta markale ay hortagayaan Baarlamaanka labadaasi Wasiir. Wasiirada amniga iyo arimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta markale kasoo muuqan doona fadhiga su’aalo weydiinta Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka Xildhibaanada ayaa wuxuu furmayaa 10:00 Subaxnimo ee saaka, waxaana sida xeer hoosaadka Baarlamaanka uu qabo, Wasiir Waliba su’aalo weydiinta ay ku soconaysa 90-daqiiqo oo udhiganta saacad iyo bar hadii waqtiga uu ka dhaco oo ay u harsan yihiin su’aalo maalin kale in loo dhigayo. Warar Hoose Ayaa Sheegaya Inuu Socdo Abaabul barlamaanka Ku Doonayana Inay xilka Uga Qadaan labadani wasiiro Oo iyaga Mudo Su’alo la Weydinayey.

Labada Wasiir ayaa waxaa u kala haray 21- iyo 19 Xildhibaan oo su’aalo weydiin doona, taasi oo ku qotonta shaqooyinka ay hayaan Wasaaradahaasi Xukuumadda ka tirsan. Labadii maalin ee aan soo dhaafnay, ayaa waxaa si aad ah su’aalaha loogu kululeeyay Wasiirka amniga C/kariin Xuseen Guuleed oo ay si aad ah ugu dhaganaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir Guuleed ayaa noqday Wasiirka kaliya ee Baarlamaanka ay si adag ula xisaabtamaan, maadaama uu masuul ka yahay amniga guud ee dalka, si joogto ahna ay udhacaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka Muqdisho iyo Gobalada dalka Soomaaliya.

C/weli Xasan ( Tarabatooni ) Muqdisho

Short URL: http://barmuudo.com/?p=1916

Posted by on Apr 29 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented