| | 6 views

Naafada Soomaaliyeed oo loo sameynayo sanduuq dhaqaale loogu ururiyo

naafadaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday olole lagu taageerayo naafadda Soomaaliyeed, iyadoo shaaca ka qaaday inay naafada u sameyneyso sharciyo gaar ah oo ay iska kaashanayaan wakiilo ka socda Dowladda Federaalka iyo guddi ka tirsan naafadda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha bulshada Aweys Sheekh Xadaad ayaa ka warbixiyay shirar iyo kulamo dhex marayay Dowladda Federaalka iyo naafada Soomaaliya, iyadoo maalintii shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir ay ka qeyb galeen madax ka kala socotay Dowladda Federaalka, in ka badan 100-naafada Soomaaliyeed ah ayna ka qeyb galeen madax ka tirsanUNSOM iyo AMISOM.

Shirka ayaa looga hadlay sidii loo dedejin lahaa sharciyo ku saabsan naafadda Soomaaliya, iyadoo xafiiska Q/Midoobay u qaabilsan arrimaha ee UNSOM uu u soo jeediyay Dowladda Federaalka inay arrimahaasi hirgeliso.

Dhinaca kale saraakiil ka socotay taliska ciidamada AMISOM ayaa iyaguna shirkaas ka caddeeyay sida ay u garab taagan yihiin taageerada naafada Soomaaliyeed isla markaana ay gacan ka geysanayaan sidii loo dabooli lahaa baahiyahooga.

Wasiirka arrimaha bulshada iyo daryeelka naafada Aweys Sheekh Xadaad ayaa isna shirka waxa uu ka sheegay in horumarinta naafada iyo sharciyada ay isku maamulayaan ay gacan geysanayaan ilaa madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka.

“Naafadda Soomaaliyeed waxaan u sameyneynaa sanduuq dhaqaale loogu ururiyo oo qof kasta wixii uu heli karo xitaa $1 allaha ka dhigee uu ku taageero” ayuu yiri Aweys Sheekh Xadaad oo sheegay in guddi ka kooban 50-qof oo naafadda Soomaaliyeed ah ay arrintaan ka qeyb qaadanayaan.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=2478

Posted by on May 23 2014. Filed under Gargaarka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented