| | 16 views

Soomaali Norway ka bar bar dagaalamayay Al-Qacidada Syria oo la dilay

somali-norway

Sida uu qoray wargeyska labaad ee ugu weyn dalka Norway ee lagu magacaabo Dagbladet ayaa ku waramaya in dalkaasi Syria lagu dilay ruux Somali ah oo heesta dhalashada dalka Norway kaa oo qeyb ka ahaa Kooxda Argagixisada ah (ISIL)ee kadagaalanta dalalka Iraq Iyo Syria.

Ruuxan Magaciisa Website-ku ma’uusan shaacin balse waxaa la xaqiijiyay inuu Mudo Ku noolaa dalka Norway ,dhacdooyinka laxariira dhalinyarada kasoo jeeda dalka Norway ee kubiira Alqaacidada Syria kadibna lagu dil dalkaasi ayaa ah mid Dhowr mar horre soo baxday.

Afhayeen uhadlay Ciidamada Sirdoonka dalka Norway oo lagu magacaabo Martin Bernsen ayaa isagu sheegay in dowlada Norway ay baaritaan kusameendoonto arintaasi balse aysan kawarheenin warka wargeysku uu qoray.

Eskil Sivertsen oo isna Katirsan wasaarada arimaha dibada Norway ayaa sheegay iney heenin macluumaad laxariira arintaasi balse ay dabagal kusameen doonaan.

Ugu yaraan 7-islaamiyiin kasoo jeeda dalka Norway ayaa lagu dilay Dalka Syria bilihii ugu dambeeyay waxana warbixin dhawaan kasoo baxday wasaarada arimaha Dibada lagu sheegay in 50-dhalin yara ah ay kubiireen dhawaan dagaalada Syria.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=2613

Posted by on May 28 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented