| | 0 views

Xildhibaan Jeesow: “Waa lala xisaabtamayaa cidii shaqada ku lahayd ammaanka Baarlamaanka”

Jeesow2

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii dhowaan ururka Al-Shabaab uu ku qaaday xarunta Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in hay’adaha ammaanka iyo taliska ciidamada AMISOM ay iska dhega tireen farriimo la soo gaarsiiyay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Baarlamaanka ay warqad u qoreen hay’adaha amaanka u qaabilsan Dowladda Federaalka iyo ciidamada AMISOM oo ku saabsan in ammaanka xarunta Baarlamaanka uu ku jiro khatar uga timaada Al-Shabaab.

“Waa lala xisaabtamayaa cidii shaqada ku lahayd ammaanka Baarlamaanka” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo sheegay in Dowladda dhexe aanay waxba ka qaban codsiyo uga yimid Baarlamaanka oo ku saabsan dayactir in lagu sameeyo xarunta Golaha Baarlamaanka oo dagaaladii sokeeye burbur ka soo gaaray.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in fadhiga ugu horeeya ee uu Golaha Baarlamaanku yeelanayo looga hadlayo ajandayaal ku saabsan sidii loo xoojin lahaa ammaanka Golaha Baarlamaanka, isagoona hoosta ka xariiqay in Goluhu war cad ka soo saarayo weerarkii dhowaan muddo saacado ah ay ku qabsadeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=2616

Posted by on May 28 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented