| | 0 views

Buula-Burde: Gaajo daran iyo Gargaar cusub!! ( Xog ku saabsan Xaaladda Magaaladaas)

vvBarmuudo News:- Degmada Buula-Burde oo ka tirsan Gobalka Hiiraan ayaa waxaa Shalay Garoonkeeda Diyaaradaha laga dajiyay Laba Diyaaradood oo xambaarsan Shixnado Gargaar ah, kuwaas oo Dowladda Soomaaliya ay ugu tala gashay u gurmashada Dad ku dhibaateysan Degmadaas.

Diyaaradaha ayaa waxay sideen Shixnado ka kooban, Raashin, Caano iyo Dawooyin, waxaana intaasba dirtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Dowladda matalaysa, si loo yareeyo Culeys Nolol xumo oo Buula-Burde ka jira.

Shixnadahan Gargaarka ah ayaa kusoo beegmay Xilli Magaalada Buula-Burde ay kasoo yeereysay Maalmihii lasoo dhaafay, Cabasho la xiriirta Nolol xumo aan iyadoo kale dhawaahan halkaas lagu arag.

Dad ku nool Magaalada ayaa inooga warramay Xaaladooda nololeed, iyagoo sheegay inay halis ugu jiraan Geeri, maadaama ay ku go’doonsanyihiin Magaalada oo Wadooyinka lagasoo galoo idil ay Maliishiyaadka Shabaab xireen.

Alshabab ayaa Saldhigatay Daafaha Buula-Burde, tan iyo markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo duullaan ah ay kal hor Magaaladaas ka saareen Maliishiyada Kooxdaas oo Sanada badan halkaas ka talinaysay.

Goob joogayaal Buula-Burde ku nool oo aan Telfoonka kula hadalnay ayaa inoo sheegay in Magaalada gudaheeda aanay oolin Raashin iyo wax kale oo la cuno, markii ay Dadku isku dayaan inay Raashin kasoo iibsadaan Banaanka Magaaladana, aanay suurtagal ahayn in lasoo dhaafo Saldhigyada Shabaab ee Magaalada Duleedkeeda ku yaala, halkaas oo Wax kastoo Magaalada lasoo galinayo ay Kooxdu ku reebato.

Waxaa Buula-Burde ku nool Dad badan oo ka haray qaar iyagu kal hore ka cararay Duulaankii Shabaabka lagu ceyrsanayay, inta Magaalada joogta iminkana waxaa ku gabaabsi ah Raashinka iyo Cunnooyinkii kale ee ay keydsanayeen oo sii idlaanaysa.

Intaas waxaa dheer oo ay Dadka Buula-Burde ka cabanayaan Caafimaad daro, maadaama aanay Shaqo xoog leh oo Dadka loogu gurman karo ka socon Isbitaalka iyo Goobaha kale ee Caafimaadka ee Magaalada ku yaala.

Mar aan Dadkan ka wareysanay Gurmadka Shalay Magaalada yimid ee Dayuuradaha lagu keenay, waxay ku tilmaameen Tallaabo soo dhawayn mudan, laakin waxay saluugeen in Shixnadaha Dayuuradahaas saaran ay ku filanyihiin daboolitaanka Baahida daran ee magaalada ka jirta.

Sidaas darteed, Dadka Buula-Burde ku dhibaateysan waxay Dowladda iyo Ciidanka AMISOM waydiisanayaan in xoogga la saaro sidii Xayiraadda looga qaadi lahaa Magaalada, kolkaas oo ay sahlanaan doonto inay Dadku dib u helaan Isku socodkii Magaalada iyo Deegaanada ku xeeran oo Ganacsiga iyo Noloshoodaba muhiim u ah.

C/weli Xasan Maxamuud Tarabatooni Muqdisho

Short URL: http://barmuudo.com/?p=2626

Posted by on May 29 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented