| | 3 views

Daawo Sawirada:- Duqa magaalada Baden ee dalka Switzerland oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Barmuudo News :- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo Maanta Xafiiskiisa Ku soo dhaweeyey Duqa magaalada Baden ee dalka Switzerland.

Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahana Duqa magaalada Muqdisho Jeneral Xasan maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta xafiiskiisa Kusoo dhaweeyey Duqa magaaalada baden Dalka Swizerland kaas ay wehliyaan wafdi kale oo heer Caalami ah .

Laba mas,ul ayaa waxaa ay ka wada hadleen si ay labada magaalo iskaga Kaashan lahaaayen Dib dhiska Dalka iyo in ay hormar Ku tilaabsto Caasimada Soomaliya ee Muqdisho kaas lagu Dhaweeyey Xafiiska Cusub ee Duqa magaalada muqdisho ee Degmada hiliwaa.
Mr:Geri Muller oo ah duqa magaalda baden ee dalka Swaziland aya ka mahad celiyey si Xushmada leh ee Loogu soo dhaweeyey caasimada Soomaliya asaga oona cadeeyey in kaalin qiimo leh Ka qaadan doonaan dalka soomaliya wuxuuna sidoo kale cadeeyey in uu ku faraxsanyahay imaatinkiisa muqdisho oo ay tahay Markii ugu horeysay oo soomaliya Yimaado.

Shacabka ku dhaqan Degmooyinka gobolka banaadir ayaa soo dhaweeyey ayaga oona watay sawirada madaxda dalka iyo mas,ulka maanta martida u ah maamulka gobolka banaadir sidoo kalana waxaa heeso guubaabo iyo soo dhaweyn ah kusoo Bandhigay kooxaha Hobolada waabari,Shamsudiin Band iyo barbaarta gaashaaaman waxayna dhamaantood ka mideysnaayeeen in la soo Dhaweeyo madaxda martida u ah Mas,uliyiinta qaranka soomaliyeed.

duq_1 duq_2 duq_3 duq_5 duq_6

Short URL: http://barmuudo.com/?p=2634

Posted by on May 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented