| | 1 views

War Deg Deg ah:- Qarax Aad u Xoogan oo Ismiidaamin ah oo Caawa ka dhacay Hotel City Place ee Magaalada Muqdisho

indexBarmuudo News:- Qarax xoogan ayaa Caawa ka dhacay Ilinka hore ee Hotelka City Place ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay Banaanka hore ee hotelka.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir Maadaama Qaraxa uu ahaa Mid Ismiidaamin ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xilliga qaraxa dhacayay uu hetelka soo Galayay Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. C/xakiin Daahir Saacid iyo saraakiil kale oo shir ku balansanaayeen.

Sidoo kale gudaha Hotelka ayaa waxaa ku sugna Saraakiil sare sare oo ka Tirsan Ciidan Booliska iyo nabad Sugida Dalka Soomalaiya .

Ciidamada booliska iyo kuwa Nabadsugida ayaa xiray wadada hor marta Hotelka ee Laamiga iyadoo la sheegayo in ciidamada Ay wadaan Baaris Xoogan.

Gawaarida ambalaaska ee gurmadka dega dega oo goobta gaaray ayaa qaaday dhaawacyo, iyadoo gawaarida dab damiska ay daminayeen dabka ka dhashay qaraxa ee qabsaday Gaarigii lagu Qarxiyay Ilinka Hotelka .

C/weli Xasan Maxamuud Tarabatooni Muqdisho

Short URL: http://barmuudo.com/?p=2630

Posted by on May 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented