| | 3 views

Wasaarada Warfaafinta Somalia oo soo bandhigtay Magacyada qaar kamid ah Websetyo Faafiya Warar been abuur ah

dhuxulowBarmuudo News:-  Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey aad uga xuntahay in shaqsiyaad ay sameystaan website-yo ay ku sheeganayaan inay yihiin kuwii Dowladda ama wasaaradaha dowaldda. Sidoo kale shaqsiyaadkan waxey caadeysteen inay sameystaan facebook ama twitter ay isaga dhigayaan inay yihiin kuwo ay dowladda ama wasaaradaha leeyihiin.

Sidaas daraadeed, waxaan sida ugu adag uga digeynaa in falal danbiyeedka noocan oo kale ah la sameeyo. Dowladduna waxey ku dadaaleysaa inay tallaabo adag ka qaadi doonto shaqsiyadaaskaas ama kooxahaas. Sharuuc caalami ah baa ka jira ku xadgudubka shaqsiga ama hay’adaha siiba isticmaalka websiteyada ama facebook-yada ama twitter-yada.

Waxaan si gaar ah uga digeynaa websiteyadan hoose oo aan aheyn kuwo ay dowladdu leedahay, wararka la soo geliyana ma noqon karaan kuwo lagu kalsoonaado ee ha la iska jiro.

www.somligov.net, www.moi.somaligov.net, www.somaligovernment.org, iyo kuwo la mid ah.

Sidoo kale facebook-kan isticmaala magaca Somali Ministry of Information, Posts, Telecommunications & Transportation,

https://www.facebook.com/SomaliMinistryofInformation?fref=ts

Ma aha mid ay Wasaarada Warfaafintu leedahay oo sax ma aha oo waxuu soo qoray war-saxaafadeed English ku qoran oo aan run aheyn oo uu madaxda qaranka ka been abuuray. Falkan waa fal danbi oo dowladdu ay la xiriiri doonto facebook iyo hay’adaha amniga ee caalamka.

Ugu danbeyntii Wasaaradda Warfaafintu waxey ka digeysaa isticmaalka websiteyo ama facebook ama twitter aan sax aheyn. Warbaahintu waa muhiim oo waxey ku habboon tahay in loo isticmaalo sida saxda ah oo bulshada wax u tari kara.

Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho, Somalia

DHAMAAD
C/weli Xasan  Maxamuud Tarabatooni Muqdisho 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=2639

Posted by on May 31 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented