| | 2 views

GOS oo fantasiyo kusoo gabo gabeysey munaasabadda 23-ka Juun Maalinta Olympikada aduunka + Sawirro

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed  ee GOS ayaa ciyaaro iyo fantasiyo ku maamuusay munaasabadda maalinta olympicada caalamiga ah ee (Olympic Day) oo ku beegneyd 23-June, taasi oo ka dhacday xarunta Daljirka dahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka banaadir.

Munaasabaddan oo ay GOS Muqdisho ka bilaabeen todobaadkii hore ayaa waxaa kasoo qeybgalay, Masuuliyiinta Guddiga Olombikadda Soomaaliyeed ee GOS,madaxda xiriirada qaarkood,Madaxda dhinaca arimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka banaadir,Ciyaartooyda Ciyaaraha Fudud,Ciyaartoyda dugsiyada,kuwa karatega & tikwandu,Ciyaartoyda Hidaha iyo dhaqanka,Bar-baarta gaashaaman,taageerayaal,iyo bahda saxaafadda oo aan u kala harin daawashada fantasiyahaasi 23 June (Olympic Day).

Ciyaaro orodo,Kubadda Koleyga,ciyaarta Karate iyo Tekwando,xarig jiidka,Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka,ciyaarta kabeebeyda iyo Shiribka lagu amaanayey kaalinta GOS kaga jirto kor u qaadista Sportiga dalka ayaana lagu soo bandhigey halkaasi iyadoo inku dhow 500 oo Orodyahano ciyaartoyda heerka 1-aad iyo kuwa da’yarta ee dugsiyada oo ay kujireen masuuliyiin maamulka G/banaadir ay orod kasoo bilaabeen agagaarka Baar Fiat ilaa Daljirka.

Kaaliyaha Xoghayaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Maxamed Xuurshe X.(Eenow) oo ah Gudoomiyaha XSKG ayaa sheegay in GOS farxad weyn u tahay Munaasabadda 23-ka June ee Olympic- Day,isagoo xusey in sanad kasta ay sameeyaan dabaaldegyadan oo kale,wuxuuna u mahadceliyey xiriirada, dugsiyada iyo dhamaanba intii gacan ka geeysatey oo ay ugu horeyso shirkadda Dahabshiil oo dhinaca tasliilaadka sanadkan gacan ka geysatey.

Khabiir sare Xaaji Maxamed Axmed Colow oo xubin ka ah GOS ayaa isaga oo aad u faraxsan halkaasi ka sheegay taariikhda 23ka Juun ee Olympic-day isagoo Gudiga Olombikadda oo kaashanaya xiriiradiisa mar kasta isku howlaan dhiiri gelinta iyo qabashada munaasabadaha noocan oo kale ah.

23-ka June iney tahay maalinta olympikada aduunka ayaa waxaa loo aqoonsadey sanadkii 1894,xiligaasoo la go’aamiyey in dhaq dhaqaaqa olympikada la casriyeeyo,waxaana go’aankaasi oo dhaxal gal noqdey 2 sano kadib ku dhawaaqey madaxii xiligaasi Pierre de Coubertin intii lagu gudajirey congreskii caalamiga ahaa ee Paris, waxaynaa rasmi ahaan Olympikada casriga ah ka hirgashey 2 sano kadib magaalada Athens ee Greece.

1 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? 9 10 11 12 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? 31 ??????????????????????????????? 33 34 35
C/xafiid C/samad Zaciimka
Waaxda Warfaafinta ee GOS

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=3158

Posted by on Jun 24 2014. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented