| | 7 views

Maxaad ka taqaan saddexda koox ee uu dalku ka degi la’yahay?!!

Ma aha mid hadda u baahan inaan dadkeyga uga sheekeeyo wixii uu dalka soo maray mudadii 22-ka sano iyo dheeraadka ahayd, hase yeeshee shacabka Soomaaliyeed oo eheladooda ku waayay dagaaladii ujeeddooyinka badnaa ee dalka la geliyay isla markaana haatan ku nool xaalad murugo miiran leh iyo rajo aan marnaba quusan ayaa u soo baxay murugo kale oo hor leh.

Waxaa soo baxay maalmahaan inay sii xoogeysanayaan kooxo khatar ku ah xasiloonida dalka iyo Qaranka Soomaaliyeed jiritaankiisa, kuwaasi oo kala ah: Dowlad-diid iyo jago-doon, kooxaha waa yar tahay qofka sida dhabta ah u dareemi kara, bacdamaa ay sheegtaan magacyo wanaagsan, sida Nabadoon, Madaxweyne ay dadkiisu doorteen, oday dhaqameed iwm.

Arrimaha lala yaabay ee sanadkaan ku soo dhacaya dhegaha shacabka Soomaaliyeed waxaa ka mid ah: shaqsi Xildhibaan Baarlamaan ah inuu afhayeen u noqdo kooxaha Al-Shabaab, Dowlad-diidka iyo jago-doonka, isagoo waliba warbaahinta ka sheegaya warar bulshada lagu kicinayo isla markaana xaaladda ammaankiisa khatar ku ah.

Guud ahaan xaaladda wadanka Soomaaliya marka aad eegto waxaa kuu soo baxaya calaamado iyo tilmaamo kuu muujinaya in Soomaaliya ay mudan tahay gebi ahaanba inay kala tagtay isla markaana ay ku sii xoogeysanayaan nabad-diidka, dowlad-diidka, argagixisada iyo jago-doonka.

Nidaamka dowladnimo ee dalka ayaa u muuqda inuu iminka wajahayo dagaal aan yareyn oo ay ku hayaan saddexdaan kooxood ee aan soo sheegay, iyadoo ay tahay wax aan maanta cid kasta daah ka saarneyn in xubno ka tirsan saddexda koox ee aan soo sheegay ay intooda badan ka tirsan yihiin Dowladda Federaalka.

Dadka qaarkood ee qormadeydaan akhrinaya waxaa laga yaabaa inay igu tilmaamaan inaan ahay shaqsi rajadiisu dhimatay, hase yeeshee Soomaali waxay ku mah-maahdaa: “Xaajo hadaan sidii dabo Ari loo feydin ma fayoobaato”, balse anigu ujeedadeyda aan maqaalkaan u qorayo waxay tahay in dalka ay ka hirgasho Dowladnimo taam ah oo dib u soo celisa qaranimadii iyo heybaddii uu dalku lahaa, isla markaana hal haada iyo hal heybshay laga dhigo saddexda koox ee aan soo sheegay.

Haddaba su’aasha waxay tahay “Sidee lagu heli karaa Dowlad awood leh oo maamusha guud ahaan dalka Soomaaliya min aas Caseyr ilaa Raas Kambooni?”, aniga sida ay ila tahay waa la heli karaa balse waa haddii la helo Soomaali wadani ah oo u istaagta sidii ay uga hortegi lahaayeen wax kasta oo dhibaato ku ah dalkooda isla markaana doorta madax cadaalad iyo wadaninimo isku darsatay.

Bal fiiri maanta Dowladdii Federaalka ee la sameeyay markii uu dalka ka baxay xilligii KMG-nimada nasiib darro waxaa hoggaaminaya madax ka liidata tii xilligii KMG uu dalka ku jiray, xitaa beer meel yaallo kalama goyn karto, mana jirto hal xero ciidamadeeda ku jiraan inay iska difaacaan weerarada Al-Shabaab iyagoo aanay u soo gurman ciidamada AMISOM.

Aaway awoodii ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka ka jirtay mudada labada sano iyo dheeraadka ah talada heysa, xaajadu waa jugjug meeshaada joog, madaxdii hoggaamineysay hay’adaha ammaanka Dowladda oo ku mashquulay sidii ay lacago fara badan jeebkooda ugu soo dhici lahayd waxay sababtay in faraha laga qaado dhismihii ciidamada Qaranka.

Dowladaan Federaalka ah ee min Madaxweyne ilaa Dable gacanta hoorsanaya iyo shacab intooda badan ilaabay muwaadininimooda waxay dalka u loogtay inay xoogeystaan argagixisada, dowlad-diidka iyo jago-doonka oo maanta halis ku ah inuu dib u soo noqdo nidaamkii uu dalku lahaa.

Saddexdaan koox ee dhibaatada ka wada dalka gudihiisa taageerada ugu ballaaran waxay ka helaan Soomaalida qurba-joogta ah iyagoo ku caawiya dhallinyaro dagaalanta, kuwo is qarxiya iyo lacago fara badan oo ay ka soo qaateen gaalada madaxda ka ah dowladaha maamula wadamada ay ku nool yihiin.

Fariinta aan u jeedinayo Soomaalida qurba-joogta ah ee lagu beer laxawsanayo in dalka ay gaalo ku soo duushay oo in lagu jihaado ay tahay isla markaana kuwooda caqliga yar ay si indho la’aan ah u aqbalayaan marin habaabintaas u sheegayaa in faa’iidada aad ka heleyso ay tahay adduunyo beel iyo aakhiro beel.

Shacabka Soomaaliyeed ee jecel wanaagga iyo samaha dalkooda iyo dadkooda waxaan ku boorinayaa inay geed dheer iyo mid gaabanba u koraan sidii dalkooda uu dib ugu soo kaban lahaa, isla markaana dib loogu soo celin lahaa qaranimadii dalku lahaa.
Waxaa Qoray:-
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil37@hotmail.com

Short URL: http://barmuudo.com/?p=3197

Posted by on Jun 24 2014. Filed under Faallo, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented