| | 3 views

Wasiir Goodax: “Sharci ma aha heshiiska lagu aqoonsaday saddexda gobol K/Galbeed Soomaaliya”

Wasiirka arrimaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. C/llaahi Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday inuusan sharci ahayn heshiiska la sheegay in lagu mideeyay maamuladii laga dhisay magaalada Baydhaba maamulkii ka koobnaa saddexda gobol.
C/laahi Goodax Barre waxaa kale oo uu sheegay inuusan isagu waxba kala socon heshiiska lagu saxiixay magaalada Muqdisho ee lagu aqoonsaday maamulka saddexda gobolka ee K/Galbeed Soomaaliya.
“Dhismaha maamulada dalka waxaa ka horeeya in dalka laga xoreeyo goobaha ay weli ku harsan yihiin Al-Shabaab” ayuu yiri Wasiir Goodax oo sheegay inaan marnaba dadka lagu mashquulin arrimaha sameynta maamulada gobolada.
Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka oo ku sugan wadanka Jabuuti ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay dejisay qorsheyaal ku saabsan maamulada dalka, kaasi oo marayay hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka.
“Sharci ma aha heshiiska lagu aqoonsaday saddexda gobol, faragelin ayaana lagu hayaa Wasaaradeyda” ayuu yiri Wasiir Goodax oo ka dalbaday madaxda sare ee Dowladda in Wasaaradda arrimaha gudaha loo dhaafo howlaheeda.
Dhinaca kale hadalka ka soo yeeray Wasiirka arrimaha gudaha ee ku saabsan diidmada uu ka muujiyay heshiiska maamuladii isku heystay magaalada Baydhaba, kaasi oo intiisa badan ay goob joog ka ahaayeen madaxda sare ee Dowladda Federaalka, beesha caalamka iyo madaxda maamulka cusub ee la aqoonsaday.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=3205

Posted by on Jun 24 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented