| | 2 views

Cabasho Laga Muujiyay Diyaarado Ciidan Oo Xiliyada Habeenkii Ah Isticmaala Garoonka Waqooyiga Gaalkacyo

Maareeyaha garoonka Diyaaradaha Waqooyiga Gaalkacyo ayaa cabasho weyn ka muujiyey Diyaarado iskugu jira Xammuul iyo kuwa dagaalka Oo Xilliyada Habeenkii ah kasoo daga Garoonka kuwaasi oo dhibaato weyn iyo bur bur ku haya Garoonka, waxaana hadalkaan uu ka sheegay Munaasibad maanta xariga looga jarayey 1500 Oo Mitir Oo ka mid ah Dhabba Diyaaraddu ku oroddo(Runway) ee garoonka Oo Dayactir lagu sameeyay.

Siciid C/raxmaan Dhagaweyne Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Waqooyiga Gaalacyo ayaa Sheegay in Diyaaradahaan laga lee yahay Dalka Mareykanka, islamarkaasina ay u soo dagaan Ciidamada Hay’adda Ammaanka Ee P.I.Sta, isagoo sheegay in dhowr jeer ay ka digeen maadaama garoonku uusan awood u lahayn Diyaaradaha Waaweyn ee PC130 loo yaqaano.

Waxaa uu intaas ku daray Maareeyuhu in Garoonka Markiisii hore loosoo dhisay in ay isticmaalaan Diyaaradaha Yar yar ee Bulshada, islamarkaasina Diyaaradahaan waaweyn ee xilliga habeenkii ah kusoo dagaya ay bur bur xoog leh u gaysteen, waxaana uu sheegay in ay dhowr jeer ka digeen oo xittaa Maamulka Puntland ay u gudbiyeen dacwaddaas.

Wasiirka Duulista Hawada Iyo Garoomada Maamulka Puntland Xasan Siciid oo isna xariga ka jaray 1500-taan Mitir ee Maanta xariga laga jaray ka dib markii dib u habayn iyo Dayactir lagu sameeyay, Ayaa Waxa uu sheegay in arrinta Maareeyuhu ka dhawaajiyay ay fiiro gaar ah u yeelan doonaan.

Xasan Siciid Wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada Maamulka Puntland ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in wax laga qaban doono Diyaaraha Maareeyaha garoonku sheegay in ay bur burinta ku hayaan garoonka Diyaaradaha Waqooyiga Gaalkacyo ee laga lee yahay Dalka Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee Magaalada Gaalkacyo habeenada Qaarkood Xilliga Hurdada ayaa laga maqlaa Guuxa iyo dhawaqa Diyaaradaha Waaweyn islamarkaasina dadka Magaalada intooda badan ayaa isweydiiya waxa ay yihiin diyaaradahaan iyo sababta ay Garoonka uga kacaan.

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

wariye cabdiweli ilkacase

email. ilkacase503@hotmail.com

Short URL: http://barmuudo.com/?p=3211

Posted by on Jun 28 2014. Filed under Arimaha Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented