| | 6 views

Cuuryaamiin ku nool Magaalada Muqdisho oo loo Qaybiyay Baaskiilada naafada + Sawirro

Qaar ka mid ah cuyaamiinta ku nool magaalada Muqdisho ayaa loo qaybiyay Khamiistii shalay ahayd kuraasta ay curyaamiinta ku socdaan oo ay ku deeqeen dad Soomaaliyeed oo musxiniin ah oo ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan Maxamed Abshir oo madax ka ah hay’adda RajoQab foundation. Maxamed Abshir oo isaguba ku curyaamoobay shil mooto uu kula galay sannadkii 2000.

Deeqdan oo loosoo wakiilay xubno uu ka mid yahay ex-xildhibaan Xuseen Gaa-gaale ayaa lagu qaybiyay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, iyadoo ay ka faa’iideysteen deeqdan cuyaamiin ay tiradoodu ahayd 40 cuyaamiin ah oo ku kala nool degmooyinka Xamar-jabab, Waaberi, Xamar-weyn iyo Howlwadaag.

Curyaamiinta loo qaybiyay kuraastan ayaa waxay isugu jireen rag iyo dumar, iyadoo mid walba oo ka mid ah uu helay kursi uu ku socdo oo cusub, iyadoo ay qaarkood ahaayeen kuwo aan lahayn kuraas ay ku socdaan oo gurguuran jiray.

Naafadan ayaa waxay kala ahaayeen 14-qof oo ku nool Waaberi, sideed ku nool Xamar-jajab, sagaal ku nool Xamar-weyne iyo sideed ku nool Howl-wadaag oo dhammaantood ka tirsan demooyinkan gobolka Banaadir.

Curyaamiinta ka faa’iideystay deeqdan oo hadlay ayaa sheegay inay aad ugu farxasan yihiin deeqdan lasoo gaarsiiyay, waxayna sheegeen in la siiyay xilli ay baahi weyn u qabeen, iyagoo dadkii ku deeqay ugu duceeyay in EEBBE uu wax ka khayr badan ugu bedelo.

Qiimaha ay ku kaceen kuraastan ayaa ahaa $5,200 oo doollarka Mareykanka ah, iyadoo tani ay qayb weyn ka qaadanayso sidii loo caawin lahaa curyaamiinta ku nool Muqdisho.

2014627635394607540620783DSC08521_1024x768 2014627635394608170301967DSC08523_1024x768 2014627635394608476097292DSC08529_1024x768 2014627635394608566424820DSC08547_1024x768

W.D DR.ALI OMAR ABATI BINFAGHI

email dr.abatialfaghi@hotmail.com

Short URL: http://barmuudo.com/?p=3223

Posted by on Jun 28 2014. Filed under Gargaarka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented