| | 3 views

Digniin la siiyay Milkiilayaasha Maqaayadaha iyo Ciidamo la dagaalamo Masoomayaasha oo la diyaariyay

Barmuudo Nes :- War kasoo baxay Wasaarada Diinta Ow-qaafta DFS, ayaa waxaa Digniin Culus lagu siiyay Milkiilayaasha Maqaayadaha Magaalada Muqdisho iyo kuwa ku yaalo goobaha ay gacanta ku heyso Dowlada.

Warka Wasaarada ayaa waxaa lagu sheegay in aan loo dulqaadan doonin inta lagu guda jiro Bisha ramadaan in la furo goobaha Maqaaxida ah ee lagu iibiyo Raashiinka, waxaana laga digay in Milkiilayaasha ay xiliyada Soonka furan ama ka ganacsadaan Raashiinka bisil.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta iyo Ow-qaafta Xukumadda Soomaaliya Xaaji Maxamed Qeyrow oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan Aqbali doonin in ay Furnaadaan Goobaha lagu Cunteeyo Bisha Rabadaan.

C/weli Xasan Maxamuud ( Tarabatooni ) Muqdisho

Dhanka kale, Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay In Ciidamo wax ka qabta dadka masoomayaashaa ay diyaariyeen islamarkaana ay la dagaalami doonan dadka Masoomayaashaa sida uu sheegay.

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=3214

Posted by on Jun 28 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented