| | 1 views

War Cusub :- Nicholas Kay oo Fariin u diray Umada Soomaaliyeed meel kasto ay duida ka joogaan

Muqdisho:- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa maanta hambalyo u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed iyagoo isu diyaarinaya bisha barakaysan ee Ramadaan.

“Ramadaan waa waqti ay qoysaska iyo bulshadu isla wadaagaan farxad iyo raynrayn markay isugu yimaadaan afurka iyo salaadaha. Waa waqti la yeesho fikir qotodheer iyo dibuheshiisiin, laguna xusuusto dadka danyarta ah oo naga liita. Bishan waxaa nala xusuusinayaa in nabadda, sinaanta iyo naxariistu ay yihiin waxa isku kaana xira, aadna uga xoog badan wax kasta oo na kala qaybiya.

Anigoo tan rumaysan, waxaan dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda u rajaynayaa bil Ramadaan oo nabad ah oo barakaysan. Ramadaan Kariim!” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

Cabdi Weli Xasan Maxamuud ( Tarabatooni ) Muqdisho 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=3219

Posted by on Jun 28 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented