| | 2 views

Barcelona Oo Doonaysa Inay Ka Dulqaado Man United Saxiixa Vermaelen.

Vermaelen

barmuudo news

Kooxda Barcelona ayaa mar kale dib ugu soo laabatay xiisihii ay u haysay kabtanka kooxda Arsenal Thomas Vermaelen kaas oo kayd ka galay kooxdiisa xili ciyaareed kii tagay.

Barcelona ayaa si wayn u doonaysay laacib kaan laba xili ciyaareed ka hor lakiin kooxda ree Spain ayaa markaan u soo jeesatay inay la wareegto laacib kaan.

El Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay doonayso kabtanka Arsenal Thomas Vermaelen waxayna intaa ku dartay in qiimaha laacib kaan uu u dhexeeyo 15 ilaa 20 milyan oo euro.

Arsenal ayaa doonaysa inay kor u sii qaado qiimaha laacib kaan kadib markii ay soo bateen kooxaha xiisaynaya, warar maalmihii u danbeeyay soo baxay ayaa sheegayay in laacib kaan uu ku sii jeedo United lakiin doonista Barcelona ayaa laga yabaa inay badasho qorshihiisa.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=3881

Posted by on Jul 25 2014. Filed under Ciyaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented