| | 4 views

Kabtanka Liverpool Gerrard Oo Heshiiska U Kordhinaaya Kooxdiisa Liverpool

STEVEN-GERRARD_2907272k

Kabtanka kooxda liverpool Steven Gerrard ayaa qarka u saaran inuu kooxdiisa heshiiska u kordhiyo. Gerrard oo da’diisu tahay 34 jir , ayaa ku jira sanadkii ugu danbeeyay ee heshiiskii uu kooxda u saxeexay sanadkii 2013, waxaana la filayaa inuu kooxda heshiiskeeda u kordhiyo ilaa sanadka 2016.

Gerrard ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu ka fadhiista ciyaaraha heerka caalami ah si uu waqti dheer ula sii joogo kooxdiisa liverpool. Gerrard ayaa lagu tiriyaa kabtanada ugu hogaaminta fiican caalamka iyadoo loo yaqaan magacayada Fantastic Kaptan iyo kabtanka dhiiro galiyaha (inspirational Captain).

Tababaraha liverpool Brendan Rodgers ayaa ku faraxsan in kabtankiisu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah wuxuuna ka hadlay dareenkiisa ku aadan in Gerrard kooxda heshiis cusub u saxiixo .

Wuxuuna Rodgers yidhi: “Waxaan aad iyo aad ugu farax sanahay in Steven uu kooxda u saxiixayo heshiis cusub taas oo aan hubo inay tahay waxaanu doonanay in ay dhacaan. Xaqiiqdii wuxuu kujiraa xaalad fiican, waanan hubaa in ay tani dhacayso.Waxaan ogahay inuu sii wadi karo inuu ciyaaro xili ciyaareedkan kadib taas ayaan markasta sheegaa”.

“Hadda ma ciyaari doono ciyaarihii heerka caalami ahaa, wuxuuna taa ka helidoonaa firfircoonaan waana wax kooxda u fiican”.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=3889

Posted by on Jul 25 2014. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented