| | 9 views

Kashifaad: Manchester City Oo Siidaysay Muqaal Muujinaya In Mangala Usxiixay Kooxda

Mangala

Kooxda difaacanaysa horyaalka ingiriiska ee Man city ayaa muddo dheer daba socotay saxiixa difaaca ree France ee Mangala. 23 jirkan ayay City ku doonaysay £32m. Haddaba kooxda ayaa websitekeeda soo galisay muuqaal yar oo kooban oo muujinaaya Mangala oo caafimaadka u maraaya City basle kooxda ayaan wali si rasmi ah ugu dhawaaqin saxiixa difaacan ree France.

Man City ayaa sheegtay in website kooda la jabsaday, waxayna sheegeen in aan wali la dhamaystirin saxiixa Mangala. Afhayeen u hadlay kooxda Man city ayaa isagoo arintanka hadlaya yidhi: “Xarunta kaydka muuqaalka ee kooxda City ayaa loo dhacay oo la jabsaday, muuqaalkuna wuxuu ahaa mid fakaday, heshiisku wali muu dhamaan ama si rasmi websiteka ugu maanu baahin”

Muuqaalka ayaa ku tusaya diyaarad khaas ah oo soo fadhiisanaysa airportka Manchester taas oo  muujinaysa in Mangala 9:00 AM soo gaadhay Manchester.kadib Mangala ayaa soo dagaya oo la kulmaaya saraakiisha City iyadoo qoraalka danbena lagu sheegayo inuu Mangala yahay saxiixii ugu danbeeyay oo maraya tijaabada caafimaadka kooxda Manchester City.

Marka aan eegno hadalka afhayeenka u hadlay kooxda Man city iyo muuqaalka waxay muujinayaan in kooxda City ay heshiis la gaadhay Mangala balse ay hadhsan tahay uun in si rasmi ah loogu dhawaaqo.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=3887

Posted by on Jul 25 2014. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented