| | 6 views

Maradona: Aniga Ayuu Messi Si Fiican Iigu Ciyaari Jiray

2

barmuudo news

Halyaygii iyo tababarihii hore ee xulka qaranka Argentina ayaa sheegay in Messi shan jeer in kabadan uu si ka fiican ugu ciyaari jiray sida uu ugu ciyaaray Sabella.

Sabella ayaa Albiceleste ku hogaamiyay inay gaadhaan finalka koobka aduunka ka dib muddo 24 sano ah iyagoo ugu danbayn guuldaro 1:0 ah kala kulmay xulka Jarmalka. Sikastaba ha ahaatee, Maradona oo tababare u ahaa Argentina sanadihii 2008-2010 ayaa Sabella ku eedeeyay inuusan Messi u ciyaarsiin sidii ugu fiicnayd.

Maradona oo arintaa ka hadlaya ayaa yidhi: “Aniga Messi wuxuu iigu ciyaarya si shan jeer ka fiican sidii uu Sabella ugu ciyaaray, laakiin ha sheegina inuu doorkan naftiisa u huray Messi kooxdiisa

Iyadoo mustaqbalka Sabella uu mugdi ku jiro ayuu Maradona soo jeediyay in Cesar Luis Menotti shaqadaa loo dhiibo, inkasta oo uu shaki ka muujiyay in FA ga Argentina ninkaas aaminsan yihiin iyo inkale.

“Anigu Sabella kama helo inuu shaqadan qabto, waxaa jira qof la ilaaway kaas oo ah Menotti, sababtoo ah wuxuuna u shaqayn wuxuu dagaal kula jiraa mafiyada FAga”. Arintan uu Maradona ka hadlay ayayna inta badan taageerayaasha Argentina la qabin iyadoo Messi lagu eedayn jiray inuusan wadankiisa naftiisa u hurin markii Maradona macalinka u ahaa. Messi ayaa koobkii aduunka ee Brasil lagu soo gabagabeeyay wadankiisa garbahiisa ku siday isagoo markasta ahaa ciyaartoyga ugu saamaynta badnaa koobka aduunka. FIFA ayaa ugu danbayn Messi ku abaal marisay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa qaramadii ka soo qayb galay. marka la eego hawsha uu Messi u qabtay xulkiisa ma jiro ciyaartoy kale oo u qabtay xulkiisa.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=3883

Posted by on Jul 25 2014. Filed under Ciyaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented