| | 13 views

Mourinho Oo Shaaca Ka Qaaday In Drogba Dib Ugu Soo Laabanayo Stamford Bridge

drogba

Halyaygii kooxda Chelsea Didier Drogba oo ahaan jiray astaanta kooxda Chelsea ayuu tababare Mourinho sheegay inuu dib ugu soo laabanayo kooxdiisii hore.Drogba oo ay da’diisu tahay36 jir ayaa waqtiyadii danbe u ciyaarayay kooxda ree Turki ee Galatasaray balse hadda waa bilaa koox kadib markii uu ka tagay kooxda Gala.

Drogba ayaa Chelsea u ciyaaray 341 kulan isagoo u dhaliyay 157 gool. Mourinho ayaa doonaya inuu Drogba dib ugu soo celiyo Stamford Bridge iyadoo taageerayaasha Blues ay aad u ixtiraamaan halyaygoodii hore.

Mourinho ayaa yidhi: “Waxaanu doonayna inaanu kulamada guulaysano iyo inaanu koobab ku guulaysano, Drogba na waa mid ka mid ah gool dhaliyaasha ugu fiican yurub wuxuuna wali sifiican ula haystaa horyaalka ingiriiska.

“Haddii aanu dib u soo celino Drogba maaha sababtu inuu yahay ciyaartoygii goolaha ugu muhiimsanaa taariikhda Chelsea u dhaliyay ama sida aan meelaha qaar ku arkay inaan doonayo in aan u baahanahay caawiye.

Manchester City ayaa miisaamaysay inay Drogba kooxdeeda ku soo darto markii uu Negredo dhaawac may. Mourinho oo arintaa ka hadlaya ayaa yidhi: “Marka aad eegto taariikhda Drogba koox kasta muhiim ayuu u yahay. Waxaamse aaminsanahay inaanu anagu Drogba iska leenahay, Drogba muyuu ku soo laabanayaa isagoo ciyaartoy ah Chelsea hal sano ama laba sano? Aan eegno waxa dhaca”.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=3891

Posted by on Jul 25 2014. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented