| | 5 views

Phil Jones Oo Doonaya Inuu Ku Qanciyo Van Gaal Wax Tarkiisa.

Phil Jones

Daafaca kooxda Man United Phil Jones ayaa doonaya inuu ku qanciyo tababarihiisa cusub in isagu uu buuxin karo boosaskii ay baneeyeen Ferdinad iyo Vidic oo katagay kooxda xaggaagaan.

Van Gaal ayaa dareensan in kooxdiisu ay u baahantahay in laga xoojiyo dhanka difaaca lakiin Phil Jones ayaa doonaya in la siiyo fursad uu isku soo muujiyo xili ciyaareed ka cusub.

“Dhabtii waxaan sugay inaan ahay laacib fiican oo awooda inuu badalo Ferdinand iyo Vidic, waxaana raba inaan qabto shaqadaas xili ciyaareed ka cusub” ayuu u sheegay laacib kaan saxaafada.

“Waa inaad ka hortagtaa loolanka waadna awoodaa inaad ka guulaysato, dhabtii Ferdinad iyo Vidic waa laba difaac oo heer sare ah lakiin waxaan haysanaa laacibiin fiican oo awooda inay buuxiyaan boosaskooda waqtiga soo socda”.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=3885

Posted by on Jul 25 2014. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented