Home » August 31st, 2014 Entries posted on “August, 2014”

Daawo Sawirada Dagaalkii Ka Dhacay Ex-Godkii Jilacow ee Magaalada Muqdisho

Barmuudo News :- Waxaa Goordhaw Xarunta Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir Ex-Godkii Jilacow lagu soo bandhigay Meydadka 7-nin oo la sheegay in ay katirsanayaeen Al-Shabaab weerar xoogana maanta ku qaaday Xaruntaasi. Todobada nin ee weerartay Xarunta Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir ayaa mid kamid ah waxa uu watay gaarigii isku qarxiyay xaruntaasi halka lixda kalana la […]

August 31st, 2014 | Posted in Wararka | Read More »

Daley blind oo 4 sano u saxiixay man utd

 man utd ayaa kula wareegtay difaaca ajax amesterdam iyo holland Daley Blind lacag dhan €18 4 sanno oo heshiis ahna saxiixay  saxiixan ayaa ka saacidi kara van gaal dhibaatoyinka dhexda difaaca ka haysta b daley  

August 30th, 2014 | Posted in Ciyaaraha | Read More »

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo la wareegay degmada Buulo Mareer

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan militari ka hellaya kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa saakay guluf dagaal ku qaaday deegaannka Buula-mareer iyo tuulooyinka ku hareereysan, ayaa ugu danbeyntii waxaa u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan Buula-mareer iyo deegaannada ku dhaw dhaw. Dagaal u dhexeeya labada dhinac ayaa hadda ka socda degaano ku dhow degaanka Buulo […]

August 30th, 2014 | Posted in Wararka | Read More »

Hordhaca kulanka xiisaha badan ee Man City iyo Stoke City

Kooxda Manchester City ayaa soo dhaweyn doonta kooxda Stoke City iyagoo ciyaari doona kulankii sadexaad ee horyaalka Ingiriiska. Mark Hughes o horey u laylin jiray kooxda Man City ayaa ka hor imaan doona kooxdiisii hore isagoo haatan macalin u ah kooxda Stoke oo hal dhibc wadata labadii kulan ee lasoo ciyaaray. Manchester City vs Stoke […]

August 30th, 2014 | Posted in Ciyaaraha | Read More »

M. GHEDI: “Rajo yar ayaa soo bidhaantay laakiin weli faanoole fari kama qodna!!”‏

24-tankii sano ee la soo dhaafay, akhristayaasha ku tixan websidyada wax ka qora arrimaha Soomaaliya, markasta oo ay furaan websidyadaas, dhammaantood ciwaanada ugu horreeya uguna waaweyn waxay ahaan jireen, dhibaatooyin kala daran oo laga soo sheego guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho sida dilal qorsheysan ayaa ka dhacay meel heblo, qaraxyo, is-miidaamin, […]

August 30th, 2014 | Posted in Faallo,Wararka | Read More »

Wafdi ka socda maamulka Puntland oo si wayn loogu soo dhoweeyay degmada Saaxo ee Gobolka

wafdi balaaran oo ka kooban Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ‘’Tigay’’ Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug Mudane Axmed Muuse Nuur iyo  Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobolada Puntland Mudane Bashiir Cabdullaahi Gurxan ayaa gaaray degmada Saaxo ee Gobolka Mudug. Dadweyne aad tira badan oo watay Calanka soomaalia iyo Sawirka Madaxweynaha ayaa Wafdiga uga hortagay duleedka degmada […]

August 30th, 2014 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

War Deg deg Ah :- Ciidamada Maamulka Somaliland oo Gacana ku Dhigay Cali Maxamed Geedi iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Barmuudo News:- Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dagaalkii xooganaa ee saakay ka dhacay Deegaanka Saax-Dheer ee Gobolka Sool lagu qabtay Masuuliyiin Dowlada Soomaaliya xilal uga soo qabtay iyo Xildhibaano katirsan Baaralamaanka Soomaaliya. Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa si buuxda ula wareegay Deegaanka Saax-Dheer ee Gobolka Sool oo saakay lagu waday in ay ka dhacdo caleemasaarka […]

August 28th, 2014 | Posted in Wararka | Read More »

Taliye Cali Gaab: “Khaladka wuxuu ka yimid 23-sano oo dowlad la’aan ah”

Taliyaha ciidanka Ilaalada Waddooyinka (Taraafiko) Jan. Cali Xersi Barre (Cali Gaab) ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka heysta gudashada waajibaadka ka saaran Taraafikada iyo gaadiidka magaalada Muqdisho sidii ay u raaci lahaayeen sharciyada waddooyinka iyo gaadiidka lagu kaxeeyo. Waxa uu sheegay Taliye Cali Gaad in gaadiidka magaalada Muqdisho intiisa badan aanu laheen dokumentiga lahaanshaha gaadiidka, wuxuuna […]

August 28th, 2014 | Posted in Wararka | Read More »

Daawo Sawirada Munaasadab lagu daah Furayay Waxbarshada Hoose/ Dhexe oo Maanta lagu Qabtay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir

Barmuudo News:- Munaasabad si heer sara ah loo soo Agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen Calumaa’udiin, Aqoonyahaano, waalidiinta Caruurta Madarasada, iyo Shacab weyna aad u fara badan ee degmada Xamar weyne ayaa waxaa lagu Qabtay Xaruunta Madarasada Yuusuf Ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka Ee isla Degmada Xamar weyne. Munaasabadaaan oo halku dhegeedu ahaa in Madarasada Yuusuf […]

August 28th, 2014 | Posted in Wararka | Read More »

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku Biiray Koox Aan Laga Filaneyn

Barmuudo News :- Ilo Xog-Ogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaaya in ay dib usoo laba kacleeyeen kooxda qaswadayaasha Somalia ee lidka ku ah Jiritaanka Dowlada Federaalka Somalia ee uu Hoggaaminaayo Madaxweyne Xassan Sheekh. Kooxdan ayaa waxaa iminka ku biiray Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia oo iyagu dhawaan lagu weeraray Hooygooda ku yaalla Magaalada […]

August 28th, 2014 | Posted in Wararka | Read More »

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented