| | 7 views

Daawo Sawirada Munaasadab lagu daah Furayay Waxbarshada Hoose/ Dhexe oo Maanta lagu Qabtay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir

Barmuudo News:- Munaasabad si heer sara ah loo soo Agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen Calumaa’udiin, Aqoonyahaano, waalidiinta Caruurta Madarasada, iyo Shacab weyna aad u fara badan ee degmada Xamar weyne ayaa waxaa lagu Qabtay Xaruunta Madarasada Yuusuf Ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka Ee isla Degmada Xamar weyne.

Munaasabadaaan oo halku dhegeedu ahaa in Madarasada Yuusuf lagu soo kordhiyay Qaybo kale oo waxbarashada Aaasaasiga sida Dugsiga iyo dhexe, waxaana ugu horayn halaaks lagu soo bandhigay , Bandhig Aqooneed oo diini ah oo ay soo jeediyeen qaar ka tirsan Ardadayda wax ka barata Dugsiga Yuusuf ee Xifdinta Qur;aanka Kariimka iyadoona shacab weynihii Munaasabadaani goob jooga ka ahaa ay aad ula dhaceen qaabkii Quruxda badneyd oo ay wax u soo jeediyeen Ardaydaasi.

intaa ka dib waxaa mikroofanka lagu soo dhaweeyay Maamulaha Guud Madarasda Yuuf Ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka isagoona marka hore Faafaahin ka bixiyay qaabkii Quruxda badnayd ee Ardayda wax u soo jeediyeen isagoona ilaah ka sokow uga mahad celiyay Waalidiintii, Culumaa’udiinkii iyo Dadweynihii ka soo qaybgalay Munaasabadii lagu Daah furayay dugsiga Hoose iyo dhexe Ee lagu soo kordhiyay Madrasda yuusuf, waxaa uuna intaasi raaciyay in hormarkaani waxbarasho ee xilligaan madarasada ay caruurta ku gaareen wada shaqayn dhanka maamulka iyo walidiinta caruurta wuxuuna ugu dambeyntii u sheegay in markii ay eegeen baahi badan iyo codsiyo badan uga yimid Waalidiinta caruurta taasi o ahayd in caruurta ugu baahan yihiin waxbarsho Aasaasi ah si loo kobciyo waxbarshadooda ayaa maamuluhu sheegay iyagoo daboolayana ama aqbalayaan codsigii waalidiinta ay keentay in madarasda lagu soo kordhiyo Dugsiga Hoose iyo dhexe.

Waxaa sidoo kale Munaasabadaan ka hadlay Sheekh Maxamed Oobo Ex- xildhibaan oo ka mid ahaa Gudiga waalidiinta Madarasada Yuusuf Ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka waxaa uuna sheegay in ka waalid ahaan aad u soo dhaweenmayaan in madarasada lagu soo kordhiyo Waxbarshada Aasaasiga ah ayna ugu mahad celinayaan maamulka iyo Macalimiinta Madarsada isagoona waalidiinta caruurta ka dalbaday in ay sidii Quruxda badnayd ay ula soo shaqeeyeen maamaulka madarasada ay sii jibaaraan maadaama caruurtooda mustaqbalkooda wanaagsan ay xiligaan maamulka iyo macalimiinta Madarasada yuusuf ay dadaalkooda heeyaan.

ugu dambeyn waxa waxaa munaasabada soo gabagabeeya Maamulaha Jaamacada Al-Umma Sheekh Sayid oo ka mid ahaa Aqoonyahaanadii lagu casumaya ka soo qaybgalka xafladaan waxaa uuna si qoto dheer kaga hadlay Qiimaha ay leedahay waxbarshada isagoona si gaar ah ugu mahad celiyay Alla ka sokow maamulka iyo Macalimiinta Madarasada waxaa uuna balan qaaday ka jaamacad ahaan in ay la shaqayn doonaan Madarasada Yuusuf isagoona aad iyo aad ula dardaarmay waalidiinta caruurta.

Munasabadaan ayaa waxay ku soo gabagabooday jabi farxda leh.
Wixii faah Faahin Ah kala Xariir Maamulka Madarasada Email: madrasatyusuf@gmail.com

DSC01707DSC01675DSC01687DSC01705DSC01679DSC01693DSC01696DSC01668DSC01663DSC01656DSC01661DSC01665DSC01655DSC09995DSC09990DSC09985DSC00073DSC00072DSC00071DSC00070DSC00002DSC00003DSC00004DSC00068DSC00025DSC00001

C/weli Xasan tarabatooni Muqdisho

Short URL: http://barmuudo.com/?p=4381

Posted by on Aug 28 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented