| | 4 views

Taliye Cali Gaab: “Khaladka wuxuu ka yimid 23-sano oo dowlad la’aan ah”

Cali-Gaab

Taliyaha ciidanka Ilaalada Waddooyinka (Taraafiko) Jan. Cali Xersi Barre (Cali Gaab) ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka heysta gudashada waajibaadka ka saaran Taraafikada iyo gaadiidka magaalada Muqdisho sidii ay u raaci lahaayeen sharciyada waddooyinka iyo gaadiidka lagu kaxeeyo.

Waxa uu sheegay Taliye Cali Gaad in gaadiidka magaalada Muqdisho intiisa badan aanu laheen dokumentiga lahaanshaha gaadiidka, wuxuuna sidoo kale sheegay in darawalada aanay heysan Leysinka gaadiid wadida.

“Khaladka wuxuu ka yimid 23-sano oo Dowlad la’aan ah” ayuu yiri Taliyaha ciidanka ilaalada waddooyinka oo sheegay in darawalada qaarkood oo ah kuwo dhowaangal ah marka aad weydiiso dokumentiga gaadiidka ay kuu soo bixinayaan xaashida lagu soo iibiyay gaadiidka.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay in sanadkaan uu ahaa sanadkii ugu shilalka badnaa tan iyo markii la howlgeliyay taliska ciidamada ilaalada waddooyinka, kaasi oo ka yimid darawalada gaadiidka intooda badan oo aan waxba ka garaneynin sharciyada gaadiidka iyo khibradda wadista gaadiidka oo aad ugu yar.

Taliye Cali Gaab ayaa sheegay in howlahooda ay iminka caqabad xoogan soo food saartay, hase yeeshee wuxuu sheegay in taliskooda qaadayo olole ballaaran oo dib loogu habeynayo sharciyada gaadiidka, isagoona sheegay in darawalkii khalad dhinaca sharciga ah ka gala gaadiidka ay tallaabo ka qaadayaan.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=4413

Posted by on Aug 28 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented