| | 16 views

War Deg deg Ah :- Ciidamada Maamulka Somaliland oo Gacana ku Dhigay Cali Maxamed Geedi iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

war-deg-dega12Barmuudo News:- Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dagaalkii xooganaa ee saakay ka dhacay Deegaanka Saax-Dheer ee Gobolka Sool lagu qabtay Masuuliyiin Dowlada Soomaaliya xilal uga soo qabtay iyo Xildhibaano katirsan Baaralamaanka Soomaaliya.

Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa si buuxda ula wareegay Deegaanka Saax-Dheer ee Gobolka Sool oo saakay lagu waday in ay ka dhacdo caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Dr Cali Khaliif Galeyr.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland ay gacanta ku dhigeen R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo Sadax Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo deegaankaasi u tagay ka qeyb galka caleemo saarka Madaxweynaha Khaatumo.

Ciidamada Somaliland ayaa dadkan ay qabteen waxa ay la aadeen Dhinaca Degmada Burco ee Maamulka Somaliland, walina si rasmi ah looma hayo tirada rasmiga ah ee maxaabiista ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Somaliland.

Masuuliyiin lagu casuumay Caleemo saarka Madaxweynaha Khaatumo ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxsadeen deegaankaasi ay maanta la wareegeen Ciidamada Somaliland, walina lama oga halka ay jaan iyo cirib dhigeen Cali Khaliif iyo Masuuliyiin kale oo kusugnaa Deegaanka Saax-Dheer.

C/weli xasan tarabatooni Muqdisho 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=4414

Posted by on Aug 28 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented