| | 12 views

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo la wareegay degmada Buulo Mareer

ciidamadamisom

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan militari ka hellaya kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa saakay guluf dagaal ku qaaday deegaannka Buula-mareer iyo tuulooyinka ku hareereysan, ayaa ugu danbeyntii waxaa u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan Buula-mareer iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Dagaal u dhexeeya labada dhinac ayaa hadda ka socda degaano ku dhow degaanka Buulo mareer, iyadoo xoogaga Al-shabaab ay iska caabin kala hortageen ciidamada huwanta sida ay sheegayaan wararka degaankaas naga soo gaaraya.

Al-Shabaab ayaa maalmo ka hor ku amray shacabka degaanka Buulo mareer iney ka baxaan degaanka, waxaana dad kooban oo ku sugan gudaha Buulo mareer ay sheegeen iney maqlayaan daryanka madaafiicda iyo rasaasta la isku adeegsanayo dagaalka.

Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Siidii ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday Buulo mareer uu qeyb ka yahay howlgal loogu magac daray (Badweynta India) kaasoo la doonayo in Al-shabaab looga sifeeyo degaanada ay weli ku sugan yihiin.

“Gulufka dagaal ee lagu qaaday Buulo mareer waxaa uu bilowday xalay saqdii dhexe waxayna ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ka kala dhaqaaqeen saddex barood oo kala ah Qoryooley, Kabtan-laas iyo Shalambood” ayuu yiri Siidii.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose ayaa intaas ku daray in ciidamada huwanta ay dhowr meelood kala kulmeemn iska cabin hasse ahaatee ay jiireen, isagoo xusay iney rajeynayaan in isla maanta ay galaan degaanka Buulo mareer.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=4438

Posted by on Aug 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented