| | 9 views

Hordhaca kulanka xiisaha badan ee Man City iyo Stoke City

mcity-stock

Kooxda Manchester City ayaa soo dhaweyn doonta kooxda Stoke City iyagoo ciyaari doona kulankii sadexaad ee horyaalka Ingiriiska.

Mark Hughes o horey u laylin jiray kooxda Man City ayaa ka hor imaan doona kooxdiisii hore isagoo haatan macalin u ah kooxda Stoke oo hal dhibc wadata labadii kulan ee lasoo ciyaaray.

Manchester City vs Stoke City

Garoonka: Etihad Stadium

Waqtiga: 5:00 Galabnimo (Xiliga Geeska Afrika)

MAXAA CUSUB

Alvaro Negdredo ayaa dhaawac ku seegi doona kulanka galabta waxaana uu wali la jiifaa dhaawac jab ah oo kasoo gaaray lugta, sidoo kale tababare Manuel Pellegrini wuxuu xaqiijiyay in Eliaquim Mangala uusan diyaar noqon karin kulanka madama uusan tababar ku filan qaadan.

Macalin Mark Hughes ayaa xaqiijiyay in Roberto Huth iyo Victor Mosses aysan qeyb ka noqon doonin kulankaan kadib markii aysan tababar ku filan la qaadan dhigooda.

MA OGTAHAY

Stoke City ayaa dhalisay laba gool oo madax ah xiligii dhamaaday waana kooxda ugu yar ee dhalisay goolal madax ah.

Stoke City kaliya 3-kulan ayey shabaqeeda ilaashatay 25-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Premier League.

Labadaan kooxood ayaa ku kulmay Wembley 2011, Finalka FA Cupka, waana koobkii ugu horeeyay Man United mudo 44-sano kadib.

Tan iyo markii ay usoo dalacday Premier League, kooxda Stoke City wali gool kuma soo dhalin Etihad Stadium (6 jeer oo ay tageen).

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Man City:

Hart; Zabaleta; Kompany, Demichelis, Kolarov; Silva, Toure, Fernando, Nasri; Jovetic, Aguero

Stoke:

Begovic; Bardsley, Shawcross, Wilson, Pieters; N’Zonzi, Whelan, Sidwell; Arnautovic, Odemwingie, Diouf.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=4435

Posted by on Aug 30 2014. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented