| | 12 views

M. GHEDI: “Rajo yar ayaa soo bidhaantay laakiin weli faanoole fari kama qodna!!”‏

24-tankii sano ee la soo dhaafay, akhristayaasha ku tixan websidyada wax ka qora arrimaha Soomaaliya, markasta oo ay furaan websidyadaas, dhammaantood ciwaanada ugu horreeya uguna waaweyn waxay ahaan jireen, dhibaatooyin kala daran oo laga soo sheego guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho sida dilal qorsheysan ayaa ka dhacay meel heblo, qaraxyo, is-miidaamin, maamul-goballeed la dhisay ayaa leysku khilaafsan yahay, dagaal beeleedyo, barakacyo, odayaalka Muqdisho ayaa ka hor-yimid go’aano ay dowlada dhexe soo saartay, iska hor-imaadyo u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan dowlada FS, Al Shabaab ayaa meel hebel dad ku gowracday, Baarlamaanka FS ayaa wada mooshin ka dhan ah madaxda dalka ugu sarreysa, ismaamul goboleed hebel ayaa dowlada FS ugu hanjabey inuu xariirka u jari doono dowladda dhexe haddii aanan maamulkaas loo yeelin rabitaankiisa, iyo kooxda la yiraahdo (Monitoring Group) ayaa musuq maasuq ku eedeysay madaxda dalka ugu sarreysa iwm.

Nasiib wanaag, rajo yar ayaa hadda soo bidhaantay, soo bidhaamida rajadaan yar, waxay bilaabatay markii dhowaan hay’adaha amniga Qaranka lagu sameeyey is-bedel xoog leh, is bedelkaas cusub, waxaa Wasiirka Amniga qaranka loogu magacaabey Gen. Khaliif Ahmed Ereg, Taliyaha Booliska Soomaliyeed waxaa loogu magacaabey Gen. Mohamed Sheikh Hassan, Agaasimaha nabadsugida qarankana waxaa loogu magacaabey mudane Abdullahi Mohamed Ali ( Sanbololshe), waxaa iyaduna xusid mudan inay maxkamada ciidamada qalabka sida soo celisey heestii, loo qaadi jiray kuwa loo aqoonsado qaran dumis ” samadiidow dabinbaa kuu dhigan laguugu dili doono”, iyadoo tiirarkii wax lagu toogan jiray dib loo sur surey barxadii Iskoole Booliisiya ee degmada Xamar jab jab.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dhammaan hay’adaha amniga qaranka oo ay ugu horreyso wasaarada amniga qaranka, iyagoo kaashanaaya ciidamada midowga Africa ee AMISOM waxay dhowaan magaalada Muqdisho ka bilaabeen howlgallo nabad soo celineed oo wax badan ka duwan howlgalladii hore looga sameyn jirey Muqdisho.
Howlgalkaan cusub waxaa ku jira hub ka dhigis lagu sameeyey shaqsiyaad haystay hub fara badan nuucyadiisa kala duwan oo aanan ka diiwaan-gashaneyn hay’adaha amniga qaranka iyo meleeshiyaad aanan ka amar qaadan DFS, iyadoo shaqsiyaadkan looga shakiyey inay qayb ka yihiin amni-xumida ka jirtay guud ahaan dalka, gaar ahaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Maadaama aysan 24 sano, Soomaaliya ka jirin dowlad dhexe oo xoog leh iyo kala danbeyn dowladnimo, Soomaaliya waxay noqotay bohollo bahallo galeen ah, gaar ahaan Muqdisho, ha yeeshee, shacabka Muqdisho ku dhaqan waxaa rajo yar gelisey, howlgallada cusub ee ay hay’adaha amniga qaranka iyo Amisom dhowaan ka bilaabeen caasimada Soomaaliya ee muqdishu, iyadoo ay durbadiiba amni-xumadii Muqdisho ay wax badan hoos u dhacday, wixii ka danbeeyey howlgallada cusub, waxaa xusid mudan, in muddo yar kadib howlgalladaas cusub, wadooyinka Muqdisho lagu arkey ardey iskuuley ah oo raxan raxan u socda wadooyinka xamar, ardaydaas oo isugu jira dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, iyagoo weliba ku lebisan dharkii ay caanka ku ahaayeen ardeyda Soomaaliyeed ( Students Uniform), waxaa kaloo inta badan shacabka Soomaaliyeed rajo gelisey 60 sano kadib, imaatinka ay Muqdisho yimaadeen gudiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ( UN Security Council ).

Dhinaca kale, marka aad qiimeyn ku sameyso caqabadaha weli ka jira guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaa maskaxdaada ku soo deg degeysa oraahdii dheheysay ” Faanoole fari kama qodna”, caqabahaas oo aad u niyad-jebinaaya cid kasta ee Soomaaliya la dooneysay nabad, midnimo iyo dowlad hufan oo dimuqraadi ah, caqabadaha jira wey fara badan yihiin, balse haddii aan xuso 1 ilaa 5 waxaa kamid ah:-

1) Mas’uuliyiin isku sheega inay daacad u yihiin dalkood iyo dadkooda laakiin lagu tuhunsan yahay inay waxkasta ka door bidi lahaayeen iyagoo kaba-qaad u noqday kuwa jeceyl inay wax gumeystaan.

2) Inta badan qabaalilada Soomaaliyeed oo sameystay maamul-beeleed, beel kastana hoggaamiyaheeda siyaasada waxay ugu yeeratay madaxweyne, waxaa wax aad loola yaabo ah, iyadoo tirada shacabka soomaaliyeed lagu qiyaaso 10- 12 milyan, ayaad inta badan maqleysaa wadanku wuxuu leeyahay dhowr iyo toban madaxweyne, meesha wadanka Shiinaha oo shacabkiisa lagu qiyaaso inka badan ( 1.4 bilyan) uu ka leeyahay hal madaxweyne oo kaliya.

3) Dowlada FS oo xilal muhiim ah u magacowda shaqsiyaad aanan karti iyo awood xirfadeed u lahayn xilalka loo magacaabaayo ( incompetent persons) iyadoo madaxda dalka ugu sarreysa ay ku qancinayso shaqsiyaad ay ka leeyihiin dano siyaasadeed.

4) Beelaha reer muqdisho ayaa ku eedeeya Dowlada FS, inaysan dowladu tix-gelin arrimo-hooseedka ay beeluhu xaqa u leeyihiin, waayoo dowladu wax ma weydiiso xubnaha haysta kalsoonida beelahooda, ha yeeshee dowladu markey doonto waxay u yeerataa xubno ka soo jeeda beelaha, laakiin aanan haysan kalsoonida beelahooda, xubnahaan dowladu u yeerato, waxay beelaha reer muqdisho u yaqaanin ” Askar maroodi”.

5) Waxaa jira su’aalooyin taagan oo uu is-weydiinaayo qof kasta oo u dhuun duleela siyaasada Soomaaliya, su’aalahaas waxay kala yihiin ” Goormaa la dhameystir-doonaa dastuurka qabyada ah , 2016-tiinka Soomaliya maka dhici doontaa doorasho xalaal ah , mise kooxda Damul-jadiid ayaa waqtiga kororsan doonta marka la gaaro 2016-ka?!!, iyo goormaa ciidamada kala duwan ee qaranka la siin-doonaa mushaarooyin ku filan si ay uga kaaftoomaan inay qaar ka mid ah ciidamada qaranku ay dhigtaan isbaarooyin daafaha caasimada?”.

Rejo yar ayaa soo bidhaantay laakiin weli faanoole fari kama qodna ee yaan faan lagu deg degin.

gedi
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Mogadishu, Soomaliya.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=4431

Posted by on Aug 30 2014. Filed under Faallo, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented