| | 8 views

Qaramada Midoobay oo shaacisay inay u gurmaneyso dadka ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay Soomaaliya

philip-lazzarini

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay u gurmaneyso dadka ku dhaqan gobolada Soomaaliya ee ay abaaraha ku dhufteen, waxayna sheegtay in gurmadkaasi uu ka dambeeyay kaddib markii ay sii kordheen dadka waxyeelada ka soo gaareyso xaaladda abaaraha ee ka jira dalka Soomaaliya.

Wakiilka arrimaha bani’aadamnimada u qaabilsan dalka Soomaaliya Philip Lazzarani oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gurmad samata bixin ay gaarsiinayaan dadka ku tabaaloobay abaaraha ka jira gobolada dalka Soomaaliya, isagoona sheegay inay gaarsiinayaan gargaar kala duwan oo isugu jira raashin, qalabka cuntada iyo teendhooyin ay ka galaan qorraxda iyo qabowga habeenka.

“Q/Midoobay si degdeg ah ayay uga jawaabeysaa xaaladda abaaraha aadka u daran ee ku dhuftay gobolada Soomaaliya” ayuu yiri Wakiilka dhinaca bani’aadaminimada u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Waxaa kale oo uu sheegay Philip Lazzarani in toddobaadkaan gudihiisa gobolada Soomaaliya ay gaarsiinayaan gargaarka, isagoona sheegay inay qorsheynayaan ololaha gurmadka samata bixinta dadka ay soo riteen abaaraha ay ka caawinayaan dhinacyada caafimaadka iyo daryeelka qoysaska ku barakacay abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=4474

Posted by on Sep 2 2014. Filed under Gargaarka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented