| | 8 views

Haduusan Jirin Hab-Dhaqanka Bulsho Qaran Ma Jiri Karo Warbixin

10646800_10205173620205977_6926575059291734532_nBarmuudo News:- Waxaa Muhiim ah in wada fahano mushkilada dalka Soomaaliya haaysataa aysan ahyn oo kaliya mid siyaasadeed, waxaan aaminsanahay inay tahay mid mushtamiciyan ah, tasoo ah bur burka ku yimid HAB-DHAQAN NOLOLEEDKA ( Civic Life).

Habada waa maxay Civil Life?

Hab-dhaqan nololeed ama (Civil Life) oo ah duruus lagu barto dugsiyada iyadoo maaddadaas loo yaqaan (Civics) waa aqoonta shaqsiga ka dhista sidii uu naftiisa u horumarin lahaa jirkiisa u dhisi lahaa maskaxdiisa uga dhigi laha mid dareen iyo garasho leh oo feejigan. Waa sidii uu hab-ladhaqanka bulshada u baran lahaa oo uu dabeecad fiican ula iman lahaa, tasoo micnaheedu yahay inuu ixtiraam iyo dulqaad uu kula noolaado bulshadda dhexdeeda.

Waxaa kale uu Civics uu qofku ka dhisa xagga aqlaaqda iyo moralka, qofka civillka ah waa mid leh adaab iyo anshax ku dhisan diin iyo dhaqan. Wuxuu kaloo qofku bartaa waddan jacayl ku saleysan xuquuqda iyo waajibaadkiisa, taaso garansiineysa qofka muwaadinka ah inuu fahmo masuuliyadda iyo wanaaga ay leedahay marki masuuliyaddaas la guto iyo weliba waxa ka iman kara haddii sida ay tahay loo gudan waayo.

Intaas iyo in ka badan markuu qofku ka dhismo ayuu noqon karaa mid naftiisa, dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisa anfici kara. Haddaba aan is weyddiinee dadkeeno ma leeyihiin qualitieska aan soo sheegnay? Maya.

Dowladda waa maamul, hadeeysan dowladda aysan haaysan mushtamac wanaagsan ayadana ma noqon karto dowlada wanaagsan, taas awgeed Soomaaliya waligeed kama baxeeyso dhibkaan hada jira ilaa ay gartaan waxa bur bursan inaysan ahayn oo kaliya saraha iyo wadooyinka, waa mushtamaca Soomaaliyeed tasoo xal loo helin dib u dhiska mushtamaca Soomaaliyeed ma aaminsani in qaran Soomaaliyeed dib loo dhisi karo.

Wa Bilaahi Towfiiq.

C/weli Xasan Tarabatooni Muqdisho 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=4948

Posted by on Sep 29 2014. Filed under Faallo, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented