| | 17 views

Haweeneey ka Macaashtey Gudniinta fircooniga ee Gabdhaha

FGM-1Barmuudo News:- Xaliimo Cabdi waa haweeneey Soomaaliyeed oo ku nool gobolka waqooyi bari ee Kenya, waa qof ku taqasustey sancada dhaqanka ee gudniinta fircooniga, macaamiisheedana waxa ay ka yimaadaan Yurub iyo Maraykanka.

Waxaa la sheegey in waalidiin gabdhahooda ka keena wadamada Yurub iyo America in ay geeyaan gudiga haweeneydani, waxayna hashii gabadh ku guddaa lacag gaaraysa kun doolar.

“Aniga waa la I gudey, gabdhahaygana aniga ayaa gudey, kuwa ay sii dhalaana waan gudayaa” ayay tiri Xaliimo oo ka nolol maalmeedka ka dhacsata hawshani, aaminsana in ay arrintani tahay mid dhaqanka Soomaaliga lagu illaalinayo.

Waxay xafiis ku leedahay xaafadda Islii ee Nairobi, balse hawsha waxa ay ku fulisaa gurigeeda oo ku yaala Gaarisa, halkaasi oo gabdhaha lagu geeyo safar dhulka ah.

“Waa ganacsi halis ah in gabdhaha la safriyo, waanan u sheegaa waalidiinta, iyaga ayaana diyaar u ah in ay bixiyaan qiimo kasta oo halista looga badbaadi karo” ayay tiri haweeneydani.

Inta gabdhaha la safrinayo waxaa qabta ciidamada Police-ka , waxayna eegaan sharcigooda, balse lacag laaluush ah ayaa looga siidaayaa.

Gudniinka fircooniga ah ayaa sharci daro ka ah wadamada reer galbeedka, sidaasi darteed waalidka ayaa carruurtooda keena Bariga Afrika si halkaasi loogu.

Cabdi Xasan Tarabatooni Muqdisho

Short URL: http://barmuudo.com/?p=4937

Posted by on Sep 29 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented