| | 0 views

Maamulka gobolka Sh/hoose oo codsaday in gurmad lala gaaro dadka tabaaleysan

abaaroxoogan-21Barmuudo News:- Maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya in gurmad lala gaaro dadka ku dhibaateysan gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee maamulka gobolka Cumar Cabdi Carabey ayaa sheegay isaga oo la hadlayay (WARBAHINTA  BARMUUDO.COM) in xaalad adag ay ka jirto deegaano badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose kuwaasi oo uu tilmaamay in dadku ay gaajo iyo haraad ugu dhimanayaan.

Waxa uu xusay guddoomiye ku xigeenku in maamulka gobolka uu guddi u saaray qiimeynta abaaraha ka jira gobolka Shabeellaha hoose oo saameeyay nolosha dadka iyo duunyada ku nool gobolka oo uu tilmaamay in war bixinta ay soo diyaariyeen guddigaasi loo gudbiyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya isla markaana weli wax jawaab ah aan ka bixin sida uu sheegay arimahaasi.

Cumar Cabdi Carabey ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga in ay ceelal u qodaan bulshada ku tabaaleysan gobolka si looga maarmo waraha ay biyaha ka cabaan dadka.

C/weli Xasan Tarabatooni Muqdisho

Short URL: http://barmuudo.com/?p=4945

Posted by on Sep 29 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented