| | 0 views

Madaxweyne Xassan Sheekh oo warqad qoraal ah u diray Boqorka Dalka Sacuudiga (Warbixin)

xassan-300x265Barmuudo News:- Sida ay baahisaya Wakaalladda Wararka Sacuudiga “SPA” ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu warqad gaarsiiyay Boqorka dalka Sacuudiga.

Warqada oo aan la garaneynin, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ka qaaday, Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka DFS Faarax C/qaadir, taasi oo si toos ah loogu gacan galiyay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Amiir C/casiis Bin C/llaahi Bin C/casiis, waxa ayna ku soctay Boqorka dalkaasi.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga “SPA” waxa ay sheegtay in Warqadaasi ay Boqorka kasoo gaartay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, iyadoona aan la garaneynin nuxurka Warqadaasi ku qoran.

Sidoo kale, Wakaalladda ma faahfaahin Arrimaha la xiriira qoraalka uu Madaxweynuhu u diray Boqorka dalka Sacuudiga, inkastoo la hadal-hayo inuu qoraalku xambaarsan tahay sidii ay Dowladda Sacuudiga u kordhin lahayd Dhaqaalaha la siinayo Dowladda Federalka.

Dhinaca kale, Waxaa la filaaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu u baqoolo Dalka Sacuudiga, si uu u soo guto Waajibaadka Xajka ee sannadkan.

C/weli Xasan Tarabatooni Muqdisho

Short URL: http://barmuudo.com/?p=4959

Posted by on Sep 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented